Cabdi Xaashi oo la kulmay Mursal xilli ay jirto xiisad ka dhalatay Mooshinka Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gollaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa lagu waramayaa inuu kulan la leeyahay saacadaha soo socda Gudoomiyaha Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan.

Kulankaan labadaan ma'suul oo ka dhici doona Aqalka Villa Uganda ee ku dhexyaala Madaxtooyadda Soomaaliya [Villa Soomaaliya] ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro xiisada ka dhalatay Mooshinka laga keenay Farmaajo.

Sida uu xogta ku helayo warsidaha Garowe Online, Cabdi Xaashi ayaa si gaar ah wuxuu rabaa inuu Mursal ku qanciyo sidii uu ulaali lahaa Mooshinka oo ay saxiixeen in ka badan 91 Xilldhibaan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qodobadda miiska saaran ay qayb ka tahay sidii uu Mursal warbaahinta ula hadli lahaa saacadaha soo aadan, islamarkaana uu beeniyo eedaymo 48-dii saac ee lasoo dhaafay loo jeediyay dowladda.

Eedaymaha waxaa ugu waawayn inay xayiraad kusoo rogtay Mursal iyo in Mudanayaal doonayay inay la kulmaan Gudoomiyaha Gollaha Shacabka laga hor-istaagay, islamarkaana qaarkood ay xoog ku galeen gudaha Madaxtooyada.

“Kulanka waa uu jiraa, waxaana uu ku saabsan yahay sidii loo qaboojin lahaa xiisadda kacsan,” ayuu yiri Senator aad ugu dhow Cabdi Xaashi, kaasi oo ka gaabsaday in magaciisa loo adeegsado qalabka warbaahinta.

Gabagabada, kulankaan ayaa lagu wadaa in hadii ay arrimahaan isla meel-dhigaan ay si wadajir ah ula hadlaan saxaafadda, islamarkaana ay shacabka iyo war-fidiyeenka la wadaagaan natiijadda kasoo baxda shirkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adda Sirdoonka oo sheegtay in sagaal dagaalyahan oo Al-Shabaab ah la dilay

Howlgalkii labaad ayaa ka dhacay agagaarka Tugaareey, halkaas oo maleeshiyaadku ku dhuumaaleysanayeen kayn.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 03:07PM

Sarkaal Sare oo ka Tirsan Al-Shabaab oo Gacanta lagu Dhigay

Taliyaha Qaybta Koobaad ee AUSSOM, Jackson Kayanja, ayaa ku bogaadiyay ciidamada wadajirka ah guusha ay ka gaareen howlgalkan.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 12:11PM