Cabdi Xaashi oo tartan la'aan dib u hantey kursigiisa Aqalka Sare

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa ku guuleystay kursiga Aqalka Sare kadib doorasho aan lagula tartamin oo saakay ka billaabatay Teendhada Afisyooni.

Musharax lagu magacaabo Saciid Cumar ayaa kula qornaa kurnaa Kursiga tartankiisa, kaasoo ku dhawaaqay inuu doorashadda ka harey, iyadoo cod gacan taag ah loo sameeyay Cabdi Xaashi.

Cabdi Xaashi ayaa difaacdey kursigiisa kadib markii uu helay 44 cod, waxaa ka aamustey laba xubnood oo kamid ah ergada, sida uu sheegay guddiga doorashooyinka. Musharaxii la tartamaayey, Saciid Cumar Xuseen, ayaa ahaa mid malxiis ah.

Waxaa socota hadda doorashadda shanta kursi ee kale oo Maanta lagu dooranayo Muqdisho, waxaana la dilayaa in lasoo gaba-gabeeyo galabta.

Somaliland ayaa loo qoondeeyay 11 kursi, waxayna lamid tahay Puntland, iyadoo maamulada kale ay heleen min 8 kursi, kuwaasoo qaarkooda wali soo dhameytirin doorashadda, sida Jubbaland iyo Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM