Cabdirashiid oo caddeeyay in Farmaajo la ogaa heshiiska shidaalka
MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed oo la hadlay VOA-da ayaa ku adkaystay in Farmaajo uu la ogaa heshiiska shidaal barista ah ee wasaaradu ay la saxiixatay shirkadda Coastline Exploration Limited (“Coastline”) oo laga leeyahay dalka Mareykanka.
Wasiir Cabdirashiid ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu la ogaa heshiiskaan oo lagu qaatay 7 Milyan oo dollar, isla markaana uusan garaneyn sababta uu hadda uga hor yimid, isagoo ku macneeyey in culeyska dhanka baraha bulshada ka soo wajahay uu isaga difaacayo.
“Feylkaan waxaa si qaas ah u hayey aniga iyo madaxweynaha, aad ayaan isaga war qabnay mudo dheerna waan ka wada shaqeyneynay, hadey noqoto, sharcigii batroolka, in shirkadaha aan heshiiska la gaarnay ay Xamar yimaadaan, intaba madaxweynaha ayaa si khaas ah howshaan iila waday,” ayuu yiri wasiirka batroolka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed.
Farmaajo, madaxweynaha waqtigu ka dhacay ee wali jooga Villa Somalia ayaa xalay soo saaray qoraal uu ku sheegay in heshiiskaas uusan waxaba ka ogeyn, isla markaana uusan ansax aheyn, wasiirka oo la weydiiyey sababta uu Farmaajo balantii uga baxay hadii uu heshiiskaas la ogaa ayaa ku jawaabay, “Madaxweynaha waxay ila tahay in markii uu baraha bulshada culeyska ka arkay uu dib u gurtay.”
Cabdirashiid ayaa sidoo kale sheegay in heshiiskaan uu soo bilaawday sanadkii 2013-kii, xiligaas oo dalka uu hoggaaminayey madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana ay ku jireen dhameystirkii heshiiskaan.
“Waxaan heshiiskaan saxiixay 15-kii bishaan, hadii qalad ku jirana ma aana shaaciyeen, shirkadaan Soomaaliya waxay horay uga heysatay qandaraas ay siisay dowladdii Xasan Sheekh, hadana waan dhameystirnay un, bishii 1-aad ee 2020-kii ayaan Xamar keenay shirkadaha si heshiiskaan aan u kala saxiixano, laakiin dib u dhac farsamo ayuu xiligaan kusoo gaaray,” ayuu yiri Wasiirka Batroolka.
Wasiirka oo faahfaahiyey waxa uu dhigayo heshiiskaan ay la saxiixdeen shirkadaas Shidaalka baarta ayaa sheegay inuu yahay wax soo saar wadaag, shirkadda loo saxiixay u ogolaanaya in ay maal-geliso xirmooyin shidaalka Soomaaliya ah, iyadoo saamiga ugu badan ay qaadan doonto Soomaaliya.
“Xirmooyinka aan saxiixnay waxay ku kala yaallaan xeebaha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, xirmo kasta oo heshiiskaas ah markii la saxiixo waxuu leeyahay lacag hal milyan oo dollar ah, waxuu heshiiskaasi dhigayaa in mudo bil gudaheed ah lacagtaas ay ku soo dhacdo Bangiga Dhexe, dowladda Soomaaliya ayaana iska leh, todoba xirmo ayaan saxiixnay, 7 milyan ayaana bishaan gudaheeda ku soo dhaceysa Bangiga Dhexe,” ayuu u sheegay VOA-da.
Dhanka kale Wax yar ka dib markii heshiiskaan soo shaac baxay Xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaashaanka u daruuray heshiiska. Qoraal la soo dhigay barta facebook ee xafiiska ayaa sidaan sheegay in uu yahay “mid sharci darro ah oo aan loo marin waddo shirci ah sidaas darteed waxba kama jiraan."
Shirkadaan oo aad u daneysa inay baarto saliida gobolka Geeska Afrika ayaa heshiisyadaan ay la saxiixatay wasaaradda batroolka iyo macdanta Sooomaaliya waxuu u ogolaanayaa inay shidaal ka baarto gunta hoose ee biyaha Soomaaliya.
Richard Anderson, oo ah madaxa fulinta xeebaha ee shirkadda Coastline Exploration Limited ayaa faahfaahin ka bixiyey heshiiska ay la galeen wasaaradda batroolka iyo macdanka ee xukuumadda Soomaaliya.
"Soomaaliya waxaa ku yaalla ceelal dihan oo aad u badan, kuwaas oo aan weli la sahmin, kuna yaalla biyaha kulul ee adduunka, waxaa sharaf iyo farxad noo ah inaan qayb ka noqonno horumarinteeda mustaqbalka," ayuu yiri Madaxda shirkadda ay heshiiskaan la gashay wasaaradda batroolka.
Shidaalka oo la ogyahay in qiima sare uu ka joogo suuqyada caalamka, dalal badan-na dhaqaale ahaan ay ku horumareen ayaa waxaa sidoo kale la ogsoon yahay in uu colaad iyo dhibaato horleh u horseeday dalal ay kamid yihiin labada Suudaan, Nigera iyo Ciraaq oo tusaale loo soo qaato dalalka ay dhiabaatada ugu badan kasoo gaartay dhibaatooyinka laga dhaxlo kheyraadka dabiiciga oo aan si wanaagsan loo qeybsanin. Soomaaliya in laga baaro shidaal iskuma raacna dowladda Faderaalka ah iyo Dowlad-goboleedyada taas oo walaaca sii kordhinaysa.
GAROWE ONLINE