Cabdullaahi Goodax oo si kulul ula hadlay Xildhibaano mucaaraday dowladda [Daawo]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Barre ayaa si kulul uga hadlay khudbado golaha dhexdiisa ay ka jeediyeen mudanayaal kasoo horjeeda dowladda Madaxweyne Farmaajo, kuwaasoo diiradda saaray amniga iyo fasirid ay ku sameeyeen hadal uu jeediyay Madaxweynaha dowladda Federaalka.

"Hada waxay u muuqaata xildhibaanada qaarkooda waliba kuwa mucaaradka ku ah xukuumadda in loogu talo galay inay ku nafisaan oo fadhi ku dirir ka dhigtaan ayaad moodaa, taasna sharafta iyo sumcadda Barlamanka ayay dili doontaa hadii ay saas kusii socoto." ayuu yiri Goodax.

Xildhibaanada iyo dadweynaha fiirsaday khubadihii la jeediyay ayuu ugu baaqay inay waxba kama jiraan kasoo qaaday fikirkaa Xildhibaanada mucaaradka ah, kuwaasoo sida uu hadalka u dhigay aan matalin golaha, sidoo kale fikirkoodu guracanyahay, wuxuuna ku eedeeyay inay sad-bursi iyo qaab khaldan wax ku maamul raadinayaan.

"Waxaa halkan ka yeertay furimaha ayaa laga soo baxay, warkaas war jira maaha, furimahan lagama soo bixin, ciidamadeenana ciidan furimaha kasoo baxa maamaha iyagoo maanta meesha ay joogaan aad uga liita ayay ku dhimanayeen haldoorkoodu ku dhimanayay. In ciidanka la kiciyo oo dhambaal la dhaho soo kaca, furimaha kasoo baxa, cadowga soo horkaca, halkan imaada oo wax lagu raadiyo noocaas, wax Barlamanku qabo maaha, waa wax shakhsiyaad kooban, umadda Soomaaliyeed wajiyadooda yaqaanaan ay qabaan." ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre.

Barre ayaa sidoo kale difaacay Madaxweynaha Soomaaliya oo uu sheegay inuu yahay qof sharaf leh oo ka weyn ruux hadalkiisa la qalloociyo, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in wararkii baraha bulshada iyo fadhi ku dirirka la keeno fadhiga Xildhibaanada Soomaaliya.

Wuxuu u soo jeediyay Guddoonka Barlamanka iyo Xildhibaanada inay fiiro gaar ah u yeeshaan shakhsiyaadka ka shaqaynaya gacan siinta cadowga iyo wiiqista awooda dowladda sida uu hadalka u dhigay mudane Goodax, kaasoo wax laga xumaado ku tilmaamay in xarunta golaha shacabka ay noqoto meel fadhi ku dirir ah.

Hay'adaha Amniga ayuu fariin u diray oo uu ka codsaday inay shaqadooda qabsadaan isagoo sheegay in qofkii waxaan raali laga ahayn hoolka Barlamanka ka sheega inuusan lahayn xasaanad iyo sharaf midna.

"Hay'adaha amniga waxaan ugu baaqayaa inay shaqadooda qabsadaan, xasaanadda yaan qalada laga fahmin, ninka waxa uusan cadayn karin meeshan ka sheego xasaanad ma haysto." ayuu yiri Xildhibaan Goodax oo hadalkiisa ku daray, "Xasaanadu maaha warqad cad oo arji ku qoro ah, in shacabka Soomaaliyeed niyada laga dilo, ciidankeena loogu baaqo inay furimaha kasoo baxaan ee halkan yimaadaan, mudane Guddoomiye mooshin gacantaada ku jiro, waxaa ku qoran ciidanka forontiga kasoo tagay, xildhibaanadii saxiixay waxaan ka rabnaa in baaris lagu sameeyo iyaguna ay cadeeyaan meesha uu ciidanku uga soo baxay inay sheegaan, fadhi ku dirir waa fadhi ku dirir, Barlamanka Soomaaliyeedna waa Baralamaan Soomaaliyeed."

Ugu dambayntii Xildhibaankan ayaa sidoo kale codsaday in guddiga Anshaxa Barlamanka ay shaqadooda qabsadaan oo ay il gooni ah ku eegaan shakhsiyaadkan. Halkan Ka Daawo

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baaq u diray maalgashatada caalamiga ah

Hadalkan ayuu ka sheegay Shirka Maalgashiga Jarmalka iyo Afrika oo ka qabsoomay Berlin.

  • Soomaliya

    06-11-2024

  • 02:13PM

Wasiirkii saddexaad oo iska-casilay xukuumada federaalka Soomaaliya

Wasiirka xilka ka degaya oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka ah kana soo jeeda Puntland.

  • Soomaliya

    06-11-2024

  • 12:46PM