Cabdulqaadir Cosoble oo ku guuleystey xubinta xildhibaanka aqalka hoose ee Barlamanka Somalia

Image

JOWHAR, Somalia- Doorashada aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia oo maanta ka socotey magaalo madaxda maamulka Hir-Shabeele ee Jowhar ayaa waxaa xubin kamid ah kuraasta loo tartamyey ku guuleystey Siyaasi Cabdulqaadir Cosoble Cali islamarkana horey u ahaa xildhibaan ka tirsan Barlamanka Federaalka waqtigiisu dhamaadey.

Doorashadaan oo isha si gaar ah loogu hayey ayaa waxaa kula tartamyey Cabdulqaadir Cosoble Cali Muxayadiin Xasan Jurus oo tageero ka haystey mdaxaweynhii hore ee Somalia Xasan Sheikh Maxamud.

Muxayadiin Xasan Jurus oo ah agaasimaha waaxda cashuuraha bariga ee wasarada Maaliyada Somalia ayaa ka tirsan beesha Harti Abgaal 'Warsangali'.

Labada nin ayaa dhaqaale aad u fara badan geliyay sidii uu mid walba uu u guuleysan lahaa, iyadoo Muxiyadiin Xasan Jurus uu taageero ka helayay Madaxtooyada.

Wararka ayaa sheegaya in dhaqaale gaaraya Hal Milyan oo dollar ku baxdey loolanka kursigaan.

Cosoble ayaa ku badiyay 34 cod, halka Muxiyadiin Xasan Jurus uu helay 17 cod, sidaas waxaa kursiga aqalka Hoose ee Beesha Warsangeli Abgaal ku guuleystay Cabdulqaadir Cosoble oo markii labaad noqday xildhibaanka beeshaan.

Cabdulqaadir Cosoble oo horey uga qayb galay tartanka Madaxweynaha Somalia sanadkii 2012 ayaa Madaxweyne Xasan Shiikh u arkaa inuu khatar ku yahay qorshahiisa uu damacsan yahay in dib loogu doorto markale madaama ay kasoo wada jeedaan isku beel.

Cabdulqaadir Cosoble oo ah markale musharax u taagan xilka Madaxweynaha Somalia ayaa kamid noqonaya xubnaha u taagan xilkaan ee ka tirsan beeshiisa kuwasoo ilaa hadda gaaraya 4 xubnood.

Doorashada xildhibanada Federaalka aqalka sare iyo aqalka hoose ee Somalia sanadka 2016 ayaa noqoneysa midii ugu musuqmaasuq badneyd ee ka dhacda dalka Somalia.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM