Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo Isku Dayaya Inuu Soo Afjaro Khilaafka Xildhibaannada Mucaaradka

Image

MUQDISHO, 23 Agoosto 2026 — Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee waqtigiisu dhamaadey Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo guddi matalaya xildhibaannada mucaaradka ayaa Axaddii Muqdisho ku soo gabagabeeyay wadahadallo looga gol leeyahay in lagu soo afjaro khilaaf muddo kala qaybiyay Golaha Shacabka.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii wadi lahaa shaqada Golaha Shacabka, loo xoojin lahaa wada-shaqeynta xildhibaannada iyo sidii loo dejin lahaa xiisadaha siyaasadeed ee saameeyay howlaha baarlamaanka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay isku raaceen in baarlamaanku uu dhexdhexaad ka ahaado dhammaan dhinacyada siyaasadda.

Waxa kale oo lagu heshiiyay in xildhibaan kasta uu xaq u leeyahay inuu si xor ah u cabbiro aragtidiisa iyo fikirkiisa, iyadoo la dhowrayo xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.

Heshiiska ayaa sidoo kale taabanaya ka qaybgalka fadhiyada baarlamaanka, iyadoo Guddoomiyaha iyo xildhibaannada mucaaradka ay isku raaceen in xildhibaannadii khilaafku dhex maray ay si wadajir ah uga qaybqaataan fadhiyada Golaha.

Qaar ka mid ah xildhibaannada mucaaradka ayaa horay u sameystay koox ay ugu yeereen “Baarlamaanka Madaxa-bannaan”, kaddib markii dhowr xildhibaan laga joojiyay ka qaybgalka fadhiyada Golaha Shacabka.

Khilaafka iyo tallaabooyinka anshax-marinta ah waxay dhaceen xilligii uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahaa Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Guddoomiyaha hadda ee Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa dadaal ugu jira sidii xildhibaannada ku lug lahaa khilaafka dib loogu soo celin lahaa hawlaha baarlamaanka, loona soo celin lahaa wada-shaqeynta Golaha.

Si kastaba, khilaafka baarlamaanka ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysanayaan doodaha siyaasadeed ee ku saabsan sharciyadda iyo muddo-xileedka hay’adaha dowladda federaalka.

Mucaaradka ayaa sidoo kale su’aal geliyay habkii loo doortay Guddoomiyaha, iyagoo ku eedeeyay in doorashadiisa ay door weyn ku lahaayeen Madaxtooyadda Soomaaliya iyo dowladda Turkiga, isla markaana la bixiyay dhaqaale badan si loo hubiyo in Golaha Shacabka uu yeesho hoggaan ay si siyaasadeed u maamuli karaan.

Mucaaradku waxay dooddaas ku xireen xaaladda Golaha Shacabka, iyagoo sheegay in baarlamaanka uu noqday meel ay Madaxtooyaddu ku raadiso taageero siyaasadeed, halkii uu ka ahaan lahaa hay'ad si madax-bannaan u gudata shaqadeeda.

Waxay sidoo kale tilmaameen in Golaha Shacabka ee hadda jira uu wajahayo su'aalo siyaasadeed oo la xiriira muddo-xileedkiisa, kaas oo sida ay qabaan mucaaradku ku ekaa Abriil 2026.

Dhinaca kale, taageerayaasha dowladda ayaa ku adkeysanaya in hay'adaha dowladda ay sii wadaan shaqadooda inta laga gaarayo hannaan siyaasadeed oo lagu heshiiyo, iyagoo diidaya eedeymaha sheegaya in Golaha Shacabka si gaar ah loo maamulo.

Dib-u-heshiisiinta ka dhex bilaabatay Golaha Shacabka ayaa imaanaysa xilli Soomaaliya ay wajahday khilaaf siyaasadeed oo sii xoogeysanaya, iyadoo mucaaradka iyo dowladda federaalka ay isku hayaan arrimaha doorashooyinka, dastuurka iyo awood-qaybsiga siyaasadeed.

Haddii heshiiska cusub la dhaqan geliyo, wuxuu yareyn karaa kala qaybsanaanta Golaha Shacabka, balse weli waxaa taagan su'aalo waaweyn oo ku saabsan muddo-xileedka baarlamaanka iyo madax-bannaanidiisa siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles