Cabsi soo wajahday madaxweynaha Galmudug

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay Xildhibaannada iyo Guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

Casho sharaftan oo ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal, Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Barlamaanka Galmudug, Cabdullaahi Xirsi Maxamed, Guddoomiye Kuxigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug Marwo Faadumo Cabdi Cali iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed.

Qabashada cashadaan ayaa ku soo beegmeysa xilli muran ka jiro qabashada doorashada Soomaaliya ee horaanta 2021 iyo dhamaadka 2020.

Madaxweynaha Galmudug ayaa kamid ah maamulada xereeyey xubnaha guddiga doorasho ee maamulkaas uga mid noqon lahaa heer Federaal.

Qoor qoor ayaa waxaa coleys siyaasadeed ka haystaa siyaasiyiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha ee ka soo jeeda Galmudug kuwaas oo diidan gacan saarka siyaasadeed ee la leeyahay Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Sidda xogta muujineyso, Qoor ayaa ka cabsi qaba in Baarlamanka maamulkaas loo adeegsado kuwaas maalmihii la soo dhaafey caasumaado u qabteen qaar kamid ah murashaxiinta.

Inkasta oo aysan caddeyn qodobada ay kawada hadleen, haddana waxaa la fahansan yahay in ajendaha ay ku jirtay arrimaha doorashooyinka iyo in aysan aqbali coddeyn la isku hayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM