Cadaado: lix murashax oo buuxiyey shuruudaha guddiga doorashada

Image

July 2, 2015 (GO)- Guddiga doorashada ee shirka Cadaado ayaa maanta oo Khamiis ah shaaciyey magacyada lix murashax, kuwaas oo buuxiyey shuruudaha Guddiga Doorashada.

Murashaxiintan magacyadodoa la shaaciyey oo kala ah: Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan, Axmed Macalin Fiqi, C/kariin Xuseen Guuleed, Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) Xasan Maxamed Cilmi Afrax Mideeye iyo Xasan Maxamed Nuur Qalaad, waxay isla maanta soo bandhigeen taariikh nololeedkooda iyo waxyaabaha ay qaban doonaan haddii la doorto.

Dhammaan murashaxiintu waxay ballan qaadeen inay wax qabad muuqda oo dhinacyo badan leh sameyn doonaan. Arrimaha ay sida gaarka ah diiradda u saareen waxaa ugu muhiimsanaa: ammaanka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dib-u-heshiisiinta.

Doorashada oo lagu kala bixi doono cod hal-dheeri ah, waxaa lagu wadaa inay qabsoomto maalinta Sabtida ee taariikhdu ku beegan tahay July 4, 2015, waxaana xilligan meeshii ugu dambeysey maraya ololaha ay murashixiintu wadaan iyadoo murashax walbana dadaal weyn ugu jiro sidii uu u kasban lahaa tirada ugu badan xildhibaannada.

Halkan ka akhriso warbixin Garowe Online horay uga qortey murshaxiinta ugu cad-cad kuwa u tartamaya xilka madaxweynaha ee maamulka loo sameynayo gobollada Galguduud iyo Koonfurta Mudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM