Cadaado: lix murashax oo buuxiyey shuruudaha guddiga doorashada

Image

July 2, 2015 (GO)- Guddiga doorashada ee shirka Cadaado ayaa maanta oo Khamiis ah shaaciyey magacyada lix murashax, kuwaas oo buuxiyey shuruudaha Guddiga Doorashada.

Murashaxiintan magacyadodoa la shaaciyey oo kala ah: Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan, Axmed Macalin Fiqi, C/kariin Xuseen Guuleed, Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) Xasan Maxamed Cilmi Afrax Mideeye iyo Xasan Maxamed Nuur Qalaad, waxay isla maanta soo bandhigeen taariikh nololeedkooda iyo waxyaabaha ay qaban doonaan haddii la doorto.

Dhammaan murashaxiintu waxay ballan qaadeen inay wax qabad muuqda oo dhinacyo badan leh sameyn doonaan. Arrimaha ay sida gaarka ah diiradda u saareen waxaa ugu muhiimsanaa: ammaanka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dib-u-heshiisiinta.

Doorashada oo lagu kala bixi doono cod hal-dheeri ah, waxaa lagu wadaa inay qabsoomto maalinta Sabtida ee taariikhdu ku beegan tahay July 4, 2015, waxaana xilligan meeshii ugu dambeysey maraya ololaha ay murashixiintu wadaan iyadoo murashax walbana dadaal weyn ugu jiro sidii uu u kasban lahaa tirada ugu badan xildhibaannada.

Halkan ka akhriso warbixin Garowe Online horay uga qortey murshaxiinta ugu cad-cad kuwa u tartamaya xilka madaxweynaha ee maamulka loo sameynayo gobollada Galguduud iyo Koonfurta Mudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM