Cadaado: Ra'isal Wasaaraha oo xalay la shiray ururrada haweenka

Image
Image

Cadaado, 02, June, 2015…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa kulan balaaran xalay la qaatay Haweenka ka qayb galaya shirka maamul u samaynta Gobolada Dhexe iyo ururada haweenka ee degmada Cadaado.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey haweenkii uu la kulmay kaalinta muuqata ay ku dhex leeyihiin bulshada, laga soo bilaabo ilaalinta iyo barbaarinta qoyska ilaa siyaasadda oo haweenka Soomaaliyeed ay door fir-fircoon ka qaataan nabadaynta iyo horumarka dalka.

“Waxyaalaha xukuumadaydu mudnaanta siisay ayaa saldhig u ah in ay Haweenku kaalin muuqata ka galaan siyaasada dalka lagu hogaaminayo, waxaana taas daliil u ah safiiradii ugu danbeeyey ee la magacaabay waxaa kamid ahaa laba Haween ah, sidoo kale xukuumadayda haweenku waxay ku leeyihiin sadex Wasiir oo buuxa, waxaan idinka rajaynayaa in shirkaan maanta loo fadhiyo aad ka qaadataan kaalintiin, kana heshaan xuquuqdiina, madaama aad laf dhabar u tihiin horumarka bulshada” ayuu yiri RW Sharmarke

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ay xalay ilaa shalay kulamo gooni gooni ah la lahaa qabiilada iyo ergoonyinka shirka si xal looga gaaro tabashooyinka ay muujinayaan qabiilada qaar, waxaana kulamadaas ku soo idlaadeen is faham.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa degmada Cadaado u tagay inuu furo wajiga labaad ee shirka maamul u samaynta Gobolada Dhexe, taas oo qayb ka ah dadaalka xukuumaddu ugu jirto sidii loo xaqiijin lahaa higsiga 2016..

----DHAMAAD---

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM