Cadaado: wareegii 1aad oo dhammaaday, Fiqi iyo Guuleed oo isku dheggan

Image

July 4, 2015 (GO)- Waxaa mar dhow soo gaba gaboobey wareegga koowaad doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug ee ka socota magaalada Cadaado.

Lix murashax ayaa ku tartamay wareegga kowaad, waxayna codadka u kala heleen sidan:

  1. Axmed Macallin Fiqi 29 cod.
  2. Cabdikariim Xuseen Guuleed 29 cod.
  3. Axmed Cabdisalaan Aadan 12cod.
  4. Maxamed Cilmi Afrax 10cod.
  5. Cabdi Xasan Qaybdiid 6cod.
  6. Xasan Maxamed Qalaad 3cod.

Tirada guud ee xildhibaannada codeynaya ayaa ah 89 xildhibaa.

Wareegga labaad ayaa mar dhow si toos ah u bilaaban doona, waxaana ku tartami doona saddexda murashax ee horay codadka ugu badan, kuwaas oo kal ah: Axmed Macallin Fiqi, Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Axmed Cabdisalaan Aadan.

Labada murashax ee loollanka xooggani ka dhexeeyo islamarkaana la saadaalinayo in midkood doorashada ku guuleysan doono ayaa kala ah Fiqi iyo Guuleed oo wareeggii koowaad helay dhibco is-leg 29-29.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM