Sida Villa Somalia uga shaqeyso xasilooni darada maamulada
MUQDISHO, Soomaaliya – Tani waxay caddeyn u tahay sida Villa Soomaaliya uga shaqeynayso khal khal gelinta amni, siyaasadeed iyo xasilooni darrada bulsho si ay u burburiso Dowladaha Xubnaha ka ah DFS, siddaas waxaa bartiisa shaqsiga ah ee Facebook ku daabacay afhayeenka Madaxweynaha Puntland, Jaamac Dabraani.
Qoraalka Dabraani oo sidoo kale ah Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda dowladda Puntland waxaa wehliyey sawir uu kasoo qaadey qoraal uu bartiisa Faceboo ku daabacay Cali Yare, guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir una jaranjeera maamulka Farmaajo.
Cali Yare wuxuu qoraalkiisa soo wariyey sawirka wariye Bootaan oo ciidamadda ammaanka Puntland ay 8-dii Maarso ku xireen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ka gedaal markii uu baahiyey muuqaalka wax uu ugu yeeray "falcelinta dadka ee khudbadii Deni ku shaaciyey wejiga qarsoon ee Farmaajo".
"Maanta waxaan qaabilay Bootaan oo suxufi uu xarig iyo handaad u geystay maamulka Madaxweyne Danni. Bootaan waa suxufi caalamka u bidhaamiyay awooda shacabka Soomaaliyeed ee Puntland iyo rabitaankooda ay ku doonayaan in ay helaan maamul ka shaqeeya rabitaankooda ah Nabad iyo Nolol," ayuu yiri.
Ciidamadda ayaa su'aallo ka waydiiyey suxufiga waxa uu ugu yeeray ra'yi uruurinta dadweynaha balse ay ka muuqata gudbinta fariimo siyaasadeed. Saraakiishu amnigu waxay rumeysan yihiin in baahinta muuqaalkaas ay lacago laaluush ah ku bixiyey maamulka muddo xileedkiisu dhamaadey ee Farmaajo.
Malaayiin ku bixinta dayaacad
Sidda ay sheegtay hay'adda Amnesty International, warbaahinta Soomaaliya ayaa maamulka Farmaajo u ahaa dowladdii ugu xumeyd ee taariikhda soo marta maadaama ay isugu dartay laaluushid, handadaad, xarig iyo isku dayo khaarijin.
Wasiirka cadaaladda dowladda Puntland, Cawil Sheekh Xaamud, ayaa todobaadkii hore wuxuu u sheegay odayaal uu kula shiray caasimadda Garowe in taliska Farmaajo uu "malaayiin Doolar ku bixiyo sidii uu dacaayado been abuur ah uga faafin lahaa dowladaha kasoo horjeeda ee kala ah Puntland io Jubaland".
Mr Xaamud oo kasoo laabtay socdaalka wafdiga madaxwayne Deni ee Muqdisho u jooga wadahadalada xalka loogu goobayo is-faham-waaga doorashooyinka ayaa xusay in Farmaajo iyo kooxdiisa aysan habeen iyo maalin ka nasan burburinta Puntland intii ay xafiiska joogtay xukuumadda uu waqti xaadirkan ka tirsan yahay.
Intii uu ku guda jiray hadaljeedintii uu ka sameeyay xarunta PDRC Talks bishii Febraayo, madaxwayne Deni oo soo xiganaya hadalo dhexmaray isaga iyo Farmaajo wuxuu tibaaxay in Villa Soomaaliya ay degaanada Puntland ka diyaarsatay xoogag taabacsan, lacag iyo qorshe ay xoog ku maamuleyso dalka.
Hadaljeedinta Deni oo abuurtay jawi heegan ah ayaa waxay soo dedejisay in daneeyeyaasha si gaar ah Beesha Caalamka ay ogolaadaan qaar kamid ah shuruudii ay wateen madaxda Puntland iyo Jubaland oo ah in ay shirka ayaga diyaariyaan kana dhaco goob amnigeeda ay isku haleyn karaan kana madaxbanaan taliska Farmaajo.
GAROWE ONLINE