"Cadeynta khuburo laga dilay" Al-Shabaab oo la faafiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika [AFRICOM] ayaa baahiyey muuqaal caddeynaya duqeyn 10-kii December uu ku beegsaday horjoogeyaal kamid ahaa dagaalameyaasha Al-Shabaab.

AFRICOM oo muuqaalka ku muujisay waxyeelada howlgalka ayaa xustey in weerarkaas dhanka cirka ah lagu dilay sideed khabiir oo xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida u sameyn jiray waxyaabaha qarxa.

Duqeyntaas oo dowladda federaalka Soomaaliya tibaaxdey in lagu burburiyey warshad qaraxyadda u sameyn jirtay maleyshiyadda hubeysan ayaa ka dhacdey nawaaxiga magaaladda Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Kirk Smith, taliye ku xigeenka taliska AFRICOM, ayaa rumeysan in beegsigaas uu hoos u dhigayo weerarada ay kooxda ku ekeyso ciidamadda, goobaha dadweynuhu ku kulmaan iyo xulafada kale ee caalamiga.

War-saxaafadeed kasoo baxay howlgalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in aysan jirin waxyeelo dad shacab ah kasoo gaarey howlgalkaas ay fuliyeen.

"Taliska Mareykanka ee Afrika waxaa ka go'an in uu sii wado kala shaqeynta xulafadiisa Geeska Afrika dhismaha ammaanka gobolka iyo cadaadinta Al-Shabaab si loo hirgeliyo danaha gobolka," ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka ayaa lagu soo gabagabeeyay: "Talika Mareykanka ee Afrika wuxuu sii wadayaa in uu xulafada caalamiga ah iyo Afrika in la xaqiijiyo amni kusoo dabaalida dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulada".

Dhanka kale, Al-Shabaab ayaan wali ka falcelin duqeyntaas looga laayey xeel-dheereyaasha mid kamid ah xeeladaha dagaalka jabhadeynta.

Mareykanka ayaa horey ugu dhawaaqay in uu ciidamadda ka joogo Soomaaliya u wareejin doono Kenya iyo Jabuuti horaanta 2021. Hasa ahaatee, talaabadaas ma joojin doonto howlgaladan noocaan ah iyo tababaradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM