​Caleemo-saarka Ugaas Xasan oo kasocda Baladweyne

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BALADWEYNE, Hiiraan- Magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan waxaa haatan kasocda caleema saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo badali doona walaalkii oo dhawaan ku geeriyooday degmadaasi.

Caano-shubka Ugaaska, waxaa kasoo qayb galay Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Barlamanka Somalia, Xildhibaano, wasiirro, duubabka dhaqanka iyo qaybaha kala duwan bulshada ku dhaqan gobolkaasi.

Goobta xaladdu ka dhacayso ayaa lagusoo bandhigay waxyaabaha hiddaha iyo dhaqanka Somalidu u leedahay iyadoo kooxo fardoolay ah dabaal dag sameeyeen.

Khudbado kala duwan ayaa lagu wadaa inay ka jeediyaan mas'uuliyiinta kasoo qaybgashay, waxaana laga yaabaa inay ka hadlaana arrimo ku aadan gobolka inkastoo munaasabaddu tahay mid dhaqan.

Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa diidan inay maamul la samaystaan gobolka Shabeellaha dhexe, waxayna ku dhawaaqeen inay samaysan doonaan maamul u gooni ah caleema saarka Ugaaska kadib.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo ku amartay Saraakiil goostay inay hubka soo celiyaan

Saraakiisha uu amarku khuseeyo ayaa haatan ku sugan magaalada Laascaanood, oo ah xarunta maamulka Waqooyi-bari ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    18-01-2026

  • 10:29AM

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM