Cali Mahdi: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo dhintay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee waddanka Soomaaliya, Cali Mahdi Maxamed, ayaa ku geeriyooday xarun caafimaad oo ku taala magaala madaxda dalka Kenya ee Nairobi.

Wali si rasmi ah looma shaacin sababta uu u dhintay marxuumka. Balse, wararku waxay sheegayaan in uu u geeriyoodey safmarka khatarta badan ee Coronavirus ama Covid-19.

Madax ka tirsan dowladda federaalka, qaar kamid ah musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale ayaa ka tacsiyeeyay geeridda marxuumka.

Marxuumka oo marka laga soo tago siyaasadda ahaan ganacsade wuxuu madaxwayne ahaan mudadii u dhaxeysay laga soo bilaabo Janaayo, 26, 1991 illaa Janaayo, 3, 1997.

Heshiiskii Qaahiro ee December, 1997-dii ayuu mar kale madaxwayne ku noqdey. Jagadaas wuxuu hayey illaa uu ka bedelay Cabdiqaasim Salaad sanadka markii uu ahaa 2000.

Xildhibaankii "ugu da'da yaraa"

Cali Mahdi Maxamed ayaa la sheegay in uu 1-dii Janaayo, 1938-kii uu ku dhashay magaaladda Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ahna caasimada HirShabelle.

Sanadihii lasoo dhaafay, Cali Mahdi ayaa aad ugu mashquulay ganacsiga, isaga oo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka hirgeliyey dhismaha ugu dheer oo dhismihiisa gabagabo marayo.

Xilli uu 1959-kii uu waxbarasho u aadey dalka Masar, madaxwayne Cali Mahdi wuxuu 1969-kii uu kamid noqdey baarlamanka Soomaaliya isaga oo noqdey Xildhibaankii ugu da'da yaraa.

Kooxdii la baxdey "Manifesto" ee warqadda lagu dalbanayey isbedelka siyaasadeed u dirtay madaxweynihii hore Siyaad Barre ayaa la sheegay in uu kamid ahaa.

Isaga oo ahaa madaxweynihii 4aad ee Soomaaliya, Cali Mahdi Maxamed ayaa ganacsiga aad xooga u saarey mudadii u dhaxeysay 1977-1990-kii oo shaqadda dowladda uu ruqso ka qaatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM