Carabeey oo kahor yimid Go'aan uu Xaaf qeyb ka yahay

Image

CAABUDWAAQ - Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Carabeey ayaa ka hor-yimid go'aannada shirka Kismaayo, waxaana uu sheegay in madaxda shirtay ay ku fashilmeen amniga degaanadoodii oo aan gacanta ugu jirin, ayna ku mashquulsanyihiin howlo aan quseynin.

“Ma jirto cid awood u leh inay dowlada xiriirka ujarto. Waxaan Soomaaliya, waana ku faanaynaa, hadii aan xiriirka u jarno dowladda Federaalka xagey baan aadeynaa, go’aanka maamulada gaara ahaan Galmudug ahaan ma ahan wax aan aqbali karno,” ayuu yiri Carabey oo warbaahinta u waramay. 

Qodobada kale ee shirka Kismaayo kasoo baxay waxaa kamid ahaa mid ay uga hadleen heshiiska ay ku midoobeen Galmudug iyo Ahlu Suna, waxaana War-murtiyeedka lagu sheegay in dowladda Federaalka ay fara-gelin ku hayso, taasoo uu Carabey beeniyay. 

“Dowlada Federaalka iyada ayaa ka shaqaysay heshiiska, mana jirto wax faragelin ah oo ay ku wado, waxa diiday dhaqan-gelinta heshiiska waa Xaaf iyo kooxdiisa,” ayuu hadalkiisa kusii daray Madaxwayne ku xigeenka maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. 

Carabey oo la su’aalay in diidmadiisa ay salka ku hayso khilaafka kala dhaxeeya Madaxwayne Axmed Ducaale Geelle [Xaaf], iyo inuu heshiis la galay dowladda oo ah inuu qaadaco qodobada kasoo baxa Madasha Iskaashiga maamuladda ayaa ku jawaabay “Maya”.

Lama oga in madaxda dowlad goboleeyada ay aqbali doonaan baaqa Farmaajo, islamarkaana ay ka qeybgali doonaan Shirka gollaha amniga qaran ee ka furaya bisha Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM