Canada: Hodan Naaleeye oo loogu magacdaray iskuul

Image

TORONTO, Canada – Hodan Naaleeye ayaa loogu magac-daray Iskuul Dugsi Sarre ah oo ku yaala waddanka Canada halkaasoo ay ku qaadatay waqtigeeda ugu badan kahor inta aysan kusoo laaban Soomaaliya kuna dhiman weerar ay Al-Shabaab ka fulisay Kismaayo bishii Julaayo, 2019-kii.

Dugsiga loogu magacdaray marxuumadda oo horey loo oran-jiray Vaughan Secondary School ayaa ku yaala magaaladda ay waddankan dhaca waqoyga Ameerika kaga nooleyd ee Vaughan, gobolka Ontario.

Sidda ay warisay warbaahinta SBC News, go’aanka Hodan loogu magacdaray xaruntan waxbarasho waxaa gaarey Guddiga Tacliinta kadib kulan gaar ah oo ay yeesheen habeenimadii Talaadada waqtiga Canada.

Iskuulka iyo magaaladda waxaa loogu magacdaray Benjamin Vaughan, oo kamid ahaa madowga la doonsaday. Bulshadda uu kasoo jeedo waxay sanadkii hore olole xoogan u galeen in magaca meesha laga saaro.

Shernett Martin, oo ah agaasimaha fulinta ee ururka ay ku mideysan yihiin African Cadanian-ka, ayaa rumeysan in talaabadda Hodan loogu magacdaray iskuulka ay dhiiragelin u tahay dadka ay asal ahaan kasoo jeedo.

"Dhaxalkeeda waa mid sii jiri doona iyo farxadda cidda ay ahayd iyo waxa ay u istaagtay ayaa dib ugu soo laaban doona wadiiqooyinka iyo fasallada dugsigan sare waligeena ma ilaawi doonno nafhurnimadda ay Hodan samaysay. Waxaan u dabaaldageynaa in haweeney xjibaab oo madoow isla markaana muslim ah uu magaceeda ka dul-dabanayo Dugsiga magaaladeena," ayay ku tiri war qoraal ah oo ay soo saartey Shernett Martin.

Qoyska Hodan oo soo saarey war-saxaafadeed ayaa ka mahadceliyey talaabaddan, waxaana ay carabka ku adkeeyeen in ay u noqon doonto dhiiragelin ay kusii xijiyaan "dhaxalka wanaagsan oo ay ka tagtey".

Hodan oo seygeeda Fariid Jaamac Suleymaan uu ku wehliyey dadka lagu dilay weerarkii Al-Shabaab ee Hotel Cascasey isla markaana waqtigii ay dhimaneysay ahayd xaamilo ama mid uur leh ayaa waxay lahayd telefishin ay kusoo bandhigi jirtay sheekooyinka wanaagsan ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay uga hadleen Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed Kulankoodii Muqdisho?

Intaa waxaa dheer, labada hoggaamiye waxay soo dhaweeyeen billowga wadahadallada farsamo ee Ankara.

  • Soomaliya

    27-02-2025

  • 06:11PM

Somaliya iyo Azerbaijan oo Kala Saxiixay Heshiis Shidaal

Heshiisku wuxuu ujeedkiisu yahay in la xoojiyo iskaashiga iyo is-weydaarsiga aqoonta, iyadoo la ka faa'ideysanayo khibrada Azerbaijan ee tamarta.

  • Soomaliya

    27-02-2025

  • 12:46PM