​Caqabadaha hor-taagan in Somaliya Lacag cusub soo daabacato

Image

MUQDISHO, Somaliya - Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Somaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle, ayaa shaaciyay in ay jiraan weli caqabado horyaalla in dalka uu soo daabacdo Lacag cusub, oo Shilling Soomaali ah.

Wareysi uu siiyay VOA, ayuu Beyle ku sheegay in ay ku guuleysteen qorshahan mudada dheeraa soo socday, islamarkaana uu rajeynayo in kahor inta uusan dhamaan sanadkan la daabaco lacagta.

Wasiirka ayaa daboolka ka qaadey in Lacagta cusub ee lasoo daabacayo ay isagu jirtaa Shilin-ka birta ah, oo 1,000 Shilin ah, iyo mid waraaq ka sameysan, oo noqon doonto 10,000 iyo 20,000 oo Shilin.

Wuxuu sheegay Beyle in Somaliya ay la kaashaneyso daabacaadda lacagta Hay'adda IMF-ta, oo ku xiray shuruudo badan oo ay kamid yihiin hufnaan (Transparency) iyo maamul wanaagga lacagta, kuwaasi oo la xaliyay.

Caqabadda ugu weyn ee ku hor-gudban qorshaha ayuu ku sheegay inay tahay in loo baahan yahay lacagtii lagu soo daabici lahaa lacagta cusub ee Shilin Soomaaliga, taasi oo gaareysa 50 Milyan oo Doolar.

Waxa kaloo loo baahan yahay ayuu yiri 50 Milyan oo Doolar, oo kale oo lagu ilaalinayo qiimaha lacagta Shilin Soomaaliga cusub, ee lasoo daabacayo, taasi oo la dhigayo Bangiga Dhexe ee dalka.

Wasiirka Maaliyadda, ayaa xaqiijiyay in lacagtan 100-ka Milyan inay ka codsadeen Hay'adda IMF-ta, taasi oo aan deyn ahayn, balse loogu deeqayo Somaliya, lagana ogolaadey in la siiyo.

Mar wax laga weydiiyay halka lagu soo daabacayo lacagta, ayuu ku jawaabey in ay heshiis kula jiraan Shirkaddo caalami ah, oo u badan kuwa laga leeyahay Yurub, kuwaasi oo ay kala kaashanayaan IMF.

Warar hoose oo Warsidaha Garowe Online helayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo oo ku sugan Suudaan, kala hadlay dhigiisa dalkaasi, Cumar Xasan Al Bashiir in loo fasaxo dowladdiisa lacag dalkaasi lagu soo daabacay xilligii dowladda Sheekh Shariif.

World Bank iyo IMF ayaa la sheegay inay diideen lacagtaasi taalla Suudaan in lasoo qaado, maadaama dalka lagu leeyahay lacago amaah ah, oo aan wali la bixin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM