​Caqabadaha hor-taagan in Somaliya Lacag cusub soo daabacato

Image

MUQDISHO, Somaliya - Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Somaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle, ayaa shaaciyay in ay jiraan weli caqabado horyaalla in dalka uu soo daabacdo Lacag cusub, oo Shilling Soomaali ah.

Wareysi uu siiyay VOA, ayuu Beyle ku sheegay in ay ku guuleysteen qorshahan mudada dheeraa soo socday, islamarkaana uu rajeynayo in kahor inta uusan dhamaan sanadkan la daabaco lacagta.

Wasiirka ayaa daboolka ka qaadey in Lacagta cusub ee lasoo daabacayo ay isagu jirtaa Shilin-ka birta ah, oo 1,000 Shilin ah, iyo mid waraaq ka sameysan, oo noqon doonto 10,000 iyo 20,000 oo Shilin.

Wuxuu sheegay Beyle in Somaliya ay la kaashaneyso daabacaadda lacagta Hay'adda IMF-ta, oo ku xiray shuruudo badan oo ay kamid yihiin hufnaan (Transparency) iyo maamul wanaagga lacagta, kuwaasi oo la xaliyay.

Caqabadda ugu weyn ee ku hor-gudban qorshaha ayuu ku sheegay inay tahay in loo baahan yahay lacagtii lagu soo daabici lahaa lacagta cusub ee Shilin Soomaaliga, taasi oo gaareysa 50 Milyan oo Doolar.

Waxa kaloo loo baahan yahay ayuu yiri 50 Milyan oo Doolar, oo kale oo lagu ilaalinayo qiimaha lacagta Shilin Soomaaliga cusub, ee lasoo daabacayo, taasi oo la dhigayo Bangiga Dhexe ee dalka.

Wasiirka Maaliyadda, ayaa xaqiijiyay in lacagtan 100-ka Milyan inay ka codsadeen Hay'adda IMF-ta, taasi oo aan deyn ahayn, balse loogu deeqayo Somaliya, lagana ogolaadey in la siiyo.

Mar wax laga weydiiyay halka lagu soo daabacayo lacagta, ayuu ku jawaabey in ay heshiis kula jiraan Shirkaddo caalami ah, oo u badan kuwa laga leeyahay Yurub, kuwaasi oo ay kala kaashanayaan IMF.

Warar hoose oo Warsidaha Garowe Online helayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo oo ku sugan Suudaan, kala hadlay dhigiisa dalkaasi, Cumar Xasan Al Bashiir in loo fasaxo dowladdiisa lacag dalkaasi lagu soo daabacay xilligii dowladda Sheekh Shariif.

World Bank iyo IMF ayaa la sheegay inay diideen lacagtaasi taalla Suudaan in lasoo qaado, maadaama dalka lagu leeyahay lacago amaah ah, oo aan wali la bixin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM