Caqabadaha ku xeeran fulinta heshiiska 17-kii September

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dhaqan-gelinta heshiiskii dowladda federaalka ah iyo maamuladda waddanka ay 17-kii September ka gaareen arrimaha doorashooyinka waa barta ay ka guntami doonto is-faham-waaga doorashooyinka labadda gole ee baarlamaanka iyo madaxtooyadda Soomaaliya.

Balse waxaa jira caqabado kasoo laabtey fulinta qodobadaas kuwaas oo dhabaha u xaarey in xukuumadda haatan xil-sii-gaarsiinta iyo madaxwaynaha waqtiga ka dhaco iyadda oo wada-ogol waara aan la gaarin.

Caqabadaas oo kalkii hore ahaa saddex ayaa haatan inta la og-yahay maraya shan, waxaana la saadaalinayaa in ay intaas kasii kordhaan hadii hogaamiyeyaasha aysan si deg-deg ku gaarin xal kama dambeys ah.

Sidda ay ku doodayaan falanqeeyeyaasha, xalka wuxuu ku jiraa iyadda oo wadada laga qaado jidgooyooyinkan qaarkood si ku talogal ah uu u dhigay taliska Farmaajo oo wali aan ka tanaasulin fekerka kororsiga.

Guddi doorasho oo dhinac ka raran

Iyaddoo heshiiska doorashooyinka xeerinayo in xubnaha guddia aysan kamid noqon karin shaqaale rayid iyo saraakiil ciidan, Villa Soomaaliya ayaa si bareer ah u baalmartay. Tani waxay horseedey diidmo ka timid maamulada qaar, musharaxiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Faragelinta dowlada ee kuraasta Somaliland

Si xubnaha soo baxaya u noqdaan kuwa u sacaba tumaya Farmaajo, Villa Soomaaliya ayaa si toos ah waxay gacmaha ugu jirtaa kuraasta wakiilada Somaliland ku metalaya baarlamaanka federaalka, waxaana ay diidan tahay in afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi, door ku yeesho.

Qadiyadda Jubaland si gaar ah gobolka Gedo

Markii uu ku fashilmay in doorashadii u dambeysay kaga adkaado madaxwayne Axmed Maxamed Islaam, maamulka Farmaajo ayaa u dhaqaaqay gobolka Gedo kuna daabulay ciidamo. Talaabadaas waxay caqabad ku tahay in dowlad goboleedka sidda dhigiisa kale u soo xulayo Xildhibaanada.

Burburka kalsoonida saamileyda

Kahor dhacdooyinkii 19-kii Febraayo ee Muqdisho, doodaha waxay daarnaayeen baadigoobka wada-ogol iyo is-qancin. Balse, markii Dowladda Farmaajo beegsatay qaar kamid ah musharaxiinta oo ay ku jiraan madaxwayneyaal iyo ra'iisul wasaare hore, waxaa burburtay kalsoonida ka dhaxeysay.

Sharciyad la'aanta dowladda

Sidda uu xeerinayo dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya, xilheynta hay'addaha sharci-dejinta iyo fulinta waa afar casho marka uu dhamaado kaligood ma gaari karaan go’aano masiiri ah taasoo la macno ah in loo baahan yahay in miiska wadahadalka ay saamileyda ku biirto.

Baarlamaanka wuxuu waqtiga ka dhamaadey 27-kii December, 2020, halka fulinta uu waqtiga ka idlaaday 8-dii Febraayo. Sharci-dejinta iyo xukuumadda waxay sii joogayaan inta ka imaaneyso cid bedesha, iyadda oo madaxweynaha ay tahay in uu jagadda ku wareejiyo afhayeenka Golaha Shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay uga hadleen Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed Kulankoodii Muqdisho?

Intaa waxaa dheer, labada hoggaamiye waxay soo dhaweeyeen billowga wadahadallada farsamo ee Ankara.

  • Soomaliya

    27-02-2025

  • 06:11PM

Somaliya iyo Azerbaijan oo Kala Saxiixay Heshiis Shidaal

Heshiisku wuxuu ujeedkiisu yahay in la xoojiyo iskaashiga iyo is-weydaarsiga aqoonta, iyadoo la ka faa'ideysanayo khibrada Azerbaijan ee tamarta.

  • Soomaliya

    27-02-2025

  • 12:46PM