Caqabadaha ku xeeran shirka doorashada oo sii kordhay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Caqabadaha ku hor-gudban wadahadaladda xalka waara loogu goobayo is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka dalka Soomaaliya ayaa u muuqanaya kuwa sii kordhaya, arrintaas oo dhabaha u xaareysa in muranka iyo qalalaasaha dastuuriga ah ay sii daba-dheeraato.

Dooda oo kalkii hore taagneyd goob ammaan ah, ajande la isla ogol-yahay iyo ciidamadda oo aan la siyaasadeyn waxaa kusoo kordhay in ay fadhiga wadaxaajoodyadda kasoo muuqdaan dhexdhexaadiyaal.

Dhexdhexaadiyeyaasha ayay u badan tahay in ay noqon karaan saaxiibadda caalamka. Lama ogga sidda maamulka Farmaajo oo waqtiga ka dhamaadey u ogolaan doono shuruudaas ka imaaneysa mucaaradka.

Dhinacyadda u ololeynaya qodobkaas waxay sheegayaan in dhexdhexaadiyeyaasha ay kamid yihiin damaanad-qaadayaasha fulinta heshiis kasta oo kasoo baxa kulanka maadaama heshiisyadii hore ay dhaqan-geli waayeen.

"Way adag tahay"

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ahna musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah dadka aaminsan fekerkaas ayaa Farmaajo ku sifeeyay "carqalada koowaad ee shirka".

"Way adag tahay in dalkan doorasho laga qabto iyaddoo Farmaajo oo muddo xileedkiisa uu dhamaadey uu u talinayo ciidanka una adeegsanayo in uu ku weeraro mucaaradkiisa. Wuxuu leeyahay taariikh rabshado oo uu ku weeraray mucaaradkiisa," ayuu ku daabacay Twitter-ka.

Qoraal kale oo uu kaga falceliyey bayaan Beesha Caalamka kasoo saartey shirka loo asteeyay Afasiyooni ayuu Warsame kusoo bandhigay qodobo kale oo ay tahay in la wajaho kahor inta aan la isugu imaan wadaxaajoodyadda.

"Iska indhatirka dhacdooyinkii 19-kii Febraayo, ciidamadda uu Farmaajo kusii daabulayo Gedo iyo isku daygii ciidanka Haramcad doonayeen in ay kula wareegaan garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho waxay adkeenayaan in uu qabsoomo shirkan. Goob amni ah, dhexdhexaadiyeyaal iyo damaanad ayaa kulankan guul u horseedi kara," ayuu ku daray hadalkiisa.

Ku dhowaad laba bilood, Soomaaliya ayaa qaadaneysa waaya-aragnimo kale oo qalalaase dastuuri ah, hubanti la’aan in dalku si nabad ah uga baxayo marxalada kala guurka iyo goorta ay dhaceyso doorashooyinka. Odorasyada way kala duwan yihiin, balse waxa kaliya ee looga baaqsan karo waa xal dhow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed booqasho ku tagey Muqdisho

Heshiiska Ankara ayaa muhiimad weyn u leh xoojinta xiriirka labada dal, isagoo dhameystiraya wadahadallada iyo iskaashiga gobolka.

  • Soomaliya

    27-02-2025

  • 08:54AM

Ciidamada Burundi oo Ka Baxaya Soomaaliya Kadib Khilaaf ka dhashay AUSSOM

Sidoo kale, ilo deegaanka ah ayaa sheegay in weerar saddexaad uu ka dhacay Beero Yabaal oo ku yaalla waqooyi-galbeed Aboorey.

  • Soomaliya

    26-02-2025

  • 03:19PM