​Caqabado ka taagan soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Hir-Shabeelle

Image

JOWHAR, Somalia- Caqabado iyo Khilaaf ayaa ka taagan soo xulista Xildhibaanada maamulka Cusub ee Hir-Shabeelle, xili la filayo in 15-ka Bishan lasoo afjaro Howsha maamul u samaynta gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wararka Warsdiha GO ka helayo Ilo-wareedyo ku sugan Jowhar, ayaa sheegaya in Beelaha qaar aysan wali soo gudbin Liiska Xildhibaanadooda, halka qaar kalena ay mar hore soo gudbiyeen.

Xoghayaha Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia Yaxye Cali Ibraahim oo ku sugan Jowhar, ayaa kulamo waxa uu la yeeshay Beelaha wali aan soo gudbin Liiska Xildhibaanadooda.

Wasaarada Arrimaha Gudaha Somalia, ayaa doonayso in Todbaadkan inta uusan dhamaan la doorto Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle, intaas kahorna la dhaariyo Xildhibaanada iyo Gudoomiyahooda.

Caqabaha taagan ayaa waxaa kamid ah in Beelaha qaar aysan doonaynin in Qof Haween ah u matalin Baarlamaanka Hir-Shabeelle, taasina ay keentay muran iyo is-qabqabsi u dhaxeeya wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Odayaasha Beelaha.

Mudo 7 Maalmood ayaa ka harsan Waqtiga loo qabtay in lagu soo afjaro dhismaha maamulka Hir-shabeelle, oo hadda Ergada ay hergeliyeen, Magaca, Dastuurka iyo Calanka uu yeelan doono.

Howsha Ergada ayaa waxaa lagu wadaa inay la wareegaan Xildhibaanada Baarlamaabka Cusub, ee Hir-Shabeelle, kuwaasi oo dooran doono Madaxweynaha.

Dhinaca kale waxaa la qorshaynayaa in maanta la xareeyo Xildhibaanada maamulka Cusub ee loogu magac daray Hir-Shabeelle.

Xogta uu helayo Warsidaha Garowe Online, ayaa xusaysa in Xildhibaanada ujeedka loo xareynayo tahay sidii maalinta Barri ah loo dhaarin lahaa.

Dowladda waqtigu ka dhammaaday ayaa doonaysa in maamulkan oo khilaafkiisu muddo soo jiitamayay inay dhaqso u ebido si uu uga mid noqdo doorashada dhici doonta 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM