​Caqabado ka taagan soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Hir-Shabeelle

Image

JOWHAR, Somalia- Caqabado iyo Khilaaf ayaa ka taagan soo xulista Xildhibaanada maamulka Cusub ee Hir-Shabeelle, xili la filayo in 15-ka Bishan lasoo afjaro Howsha maamul u samaynta gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wararka Warsdiha GO ka helayo Ilo-wareedyo ku sugan Jowhar, ayaa sheegaya in Beelaha qaar aysan wali soo gudbin Liiska Xildhibaanadooda, halka qaar kalena ay mar hore soo gudbiyeen.

Xoghayaha Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia Yaxye Cali Ibraahim oo ku sugan Jowhar, ayaa kulamo waxa uu la yeeshay Beelaha wali aan soo gudbin Liiska Xildhibaanadooda.

Wasaarada Arrimaha Gudaha Somalia, ayaa doonayso in Todbaadkan inta uusan dhamaan la doorto Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle, intaas kahorna la dhaariyo Xildhibaanada iyo Gudoomiyahooda.

Caqabaha taagan ayaa waxaa kamid ah in Beelaha qaar aysan doonaynin in Qof Haween ah u matalin Baarlamaanka Hir-Shabeelle, taasina ay keentay muran iyo is-qabqabsi u dhaxeeya wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Odayaasha Beelaha.

Mudo 7 Maalmood ayaa ka harsan Waqtiga loo qabtay in lagu soo afjaro dhismaha maamulka Hir-shabeelle, oo hadda Ergada ay hergeliyeen, Magaca, Dastuurka iyo Calanka uu yeelan doono.

Howsha Ergada ayaa waxaa lagu wadaa inay la wareegaan Xildhibaanada Baarlamaabka Cusub, ee Hir-Shabeelle, kuwaasi oo dooran doono Madaxweynaha.

Dhinaca kale waxaa la qorshaynayaa in maanta la xareeyo Xildhibaanada maamulka Cusub ee loogu magac daray Hir-Shabeelle.

Xogta uu helayo Warsidaha Garowe Online, ayaa xusaysa in Xildhibaanada ujeedka loo xareynayo tahay sidii maalinta Barri ah loo dhaarin lahaa.

Dowladda waqtigu ka dhammaaday ayaa doonaysa in maamulkan oo khilaafkiisu muddo soo jiitamayay inay dhaqso u ebido si uu uga mid noqdo doorashada dhici doonta 2016.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM