Carro ka dhalatay hadal uu Farmaajo ku duray wariyeyaasha Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Saxafiyiinta iyo ururada xuquuqul insaanka Soomaaliya ayaa si adag u dhaliilay madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hadal uu ku duray wariyeyaasha madaxa-banaan.

Isagoo ka qeybgalayey dood lagu qabtay Villa Soomaaliya, madaxweyne Farmaajo ayaa in war-fidiyeenada qaar aysan aqoon lahayn, qaar kalana ay gacansaar la leeyihiin Al-Shabaab, wallow uusan soo bandhigin caddeymo.

Ururada warbaahinta gudaha oo cambaareeyay dhawaqaas ayaa ku qeexay "hadalo loo yiri si aan ka fariirsasho lahayn" iyagoo ku waaniyey madaxweynaha in uu cudurdaar ka bixiyo "xadgudubkaas been abuurka ah".

Sidoo kale, ururada ayaa hoosta ka xariiqay in hadalka madaxweynaha uu walaac ku abuurayo maadaama ay soo dhowaatay waqtiga doorashadda una fasiran karaan mid uu hay'addaha amniga "ugu baneynayo dhiigooda".

Hay'addaha caalamiga ah si gaar ah Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayay ka codsadeen in ay ka shaqeeyaan sidii u badbaadi lahaayeen.

Tan iyo 1992-dii, ugu yaraan 70 wariye ayaa lagu dilay Soomaaliya, kuwaasoo tobban kamid ah la khaarijiyey saddexdii sano ee u dambeysay.

Warbixin ay sanadkan hay'adda Amnesty International kasoo saartay xaaladaha warbaahinta Soomaaliya ayaa ciwaan loo dhigay "waxaan la nool-nahay cabsi"; waxay fahfaahisay tacadiyada iyo hanjabaada wariyeyaasha dalka.

Sidda laga soo xigtay qormadaas, dowladda Farmaajo oo noqotay tii ugu xumeyd ee soo marta saxaafada Soomaaliya ayaa isugu dartay hanjabaad, cagajugleyn, xarig, cabsi-gelin iyo laaluushid qaarkood si aysan dhex u noqon.

Cabdullaahi Xasan, baare ka tirsan Amnesty International, ayaa daaha ka rogay in wariyeyaasha u baahan yihiin in ay ku shaqeeyaan aag nabad ah.

"Waxaa loo diidey in ay tagaan xafiisyada dowladda oo Madaxtooyadda kamid tahay. Cabadaas maalin walba way jirtaa, mana arag cid wax ka qabatay. Wariyeyaasha looma ogola in ay kasoo waraan goobaha Al-Shabaab," ayuu ku sheegay wareysi uu siiyey Idaacada Ameerikaanka ee VOA.

Dowladda federaalka ah ayaa bishaan magacowday baare gaar ah kaasoo kala shaqeynaya wariyeyaasha maxkamadeynta cidii ku xadgudubta. Qiyaastii tobban boqolkiiba ayaa la baaraa weerarada liddka ku ah saxaafadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Ganacsatada Boosaaso Ku Wargeliyay in Aanay Dhaqaale Siin Daacish

Isagoo hadalkiisa sii wata, Deni ayaa xusay in qaar ka mid ah ganacsatada Puntland ay dalka ka baxsadeen sababo la xiriira cabsida Daacish.

  • Soomaliya

    13-03-2025

  • 09:02AM

Maxaa kusoo kordhay weerarkii Hotel-ka Qaahira ee magaaladda Beledweyne?

Sida ay sheegayaan goobjoogayaal, qaraxyada iyo rasaasta ayaa ka dhigtay deegaanka mid kacsan oo kala carar iyo jahwareer ka jiraan.

  • Soomaliya

    12-03-2025

  • 02:00PM