Carruur Cudurka Jadeecada ugu Geeriyootay gobolka Shabeellaha Dhexe

Image

JOWHAR, Somalia - Carruur da’dooda aad u yar tahay oo uu soo ritay Cudurka jadeecada  ayaa ugu geeriyootay cudurkaasi deegaan ka mid ah gobolka Shabelaha Dhexe.

Deegaanka Maandheere ayaa ka mid ah goobaha uu ka dillaacay cudurka oo ay Carruurta ugu dhinteen, kuwa kale oo aad u badana la jiifaan, sida uu sheegay Gudoomiyaha Tuulada Saalax Maxamed Cali.

Carruurta cudurkan u geeriyootay ayuu sheegay Gudoomiyaha inay da’adoodu ka yar tahay shan sano, kuwaasi saddexdii maalmood ay la il-darnaayeen Xanuunka Jadeecadda, oo ka dillaafacy deegaankaasi.

Wuxuu intaasi ku daray inaysan jirin Xarumo Caafimaad, oo lagu daryeello caruurta uu soo ridanayo Cudurka, islamarkaana ay aysan awoodin inay u qaadaan Isbitaalka degmada Jowhar, sababtuna ay tahay in wadooyinka Biyo xireen.

Mas'uulkan ayaa ugu baaqay maamulka HirShabelle, dowladda federaalka iyo Hay'adaha Caalamiga inay gurmad caafimaad gaarsiiyaan Tuulada Maandheere, oo hoostagta degmada Jowhar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM