Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka
NAIROBI/GENEVA — Caruurta Soomaaliyeed ee la ildaran nafaqo-darrada daran ayaa wajahaya xaalad sii xumaanaysa, iyadoo isku darka abaar, dhimista gargaarka dibadda iyo saameynta dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil iyo Iran ay halis gelinayaan noloshooda, sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka.
Yaraanta cuntooyinka nafaqada ee badbaadada u ah carruurta, oo ay sii xumeeyeen carqaladaha maraakiibta iyo gaadiidka, ayaa ku qasbaya xarumaha caafimaadka inay dib u celiyaan carruurta aadka u liidata ama ay xaddidaan sahayda la hayo.
Qiyaastii nus milyan carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano ayaa la ildaran xaaladda loo yaqaan Severe Acute Malnutrition, taas oo ah heerka ugu halista badan ee gaajada, iyadoo dib u dhacyada sahayda ay sii kordhinayaan saameynta dhimista gargaarka.
Shaqaalaha caafimaadka ee Baydhabo iyo Muqdisho ayaa sheegay inay khasab ku noqotay inay si aad u yar u qaybiyaan caanaha nafaqada leh iyo cuntooyinka lawska laga sameeyo ee muhiimka u ah badbaadinta carruurta.
“Maadaama baahidu weyn tahay oo sahaydu yar tahay, waxaan ku khasbanaanay inaan hoos u dhigno qadarka aan siinno carruurta,” ayuu yiri kalkaaliye Xasan Yahye Kheyre.
Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto, oo daaweysa in ka badan 1,200 carruur ah, ay ku filnaan doonaan laba toddobaad oo keliya.
“Haddii daaweyntu noqoto mid kala go’ go’ ah, carruurtu aad bay u tabar-dari doonaan jidh ahaan iyo maskax ahaan, waxaana laga yaabaa inaan dib loo sixi karin,” ayuu Kheyre raaciyay.
IRC ayaa ka mid ah saddex hay’adood oo sheegay in dib u dhaca gaadiidka iyo kororka qiimaha la xiriira dagaalka Iran ay sii murjiyeen xaalad horeyba u adkayd.
Baydhabo, oo ah magaalo ku taalla koonfur-galbeed Soomaaliya, hooyo lagu magacaabo Muumino Aadan Aamin ayaa isku dayaysay inay hesho cunto laws ah oo loogu talagalay gabadheeda 11-bilood jirka ah, Ruweydo, balse laba jeer ayaa laga celiyay xarunta sababo la xiriira sahay la’aan.
Sagaal sano kadib abaartii 2017 ee ku sigatay macaluul, taas oo ay ku sigatay inay ku weydo gabadheeda kale, Aamin ayaa sheegtay in xaaladda hadda jirta ay aad uga welwelsan tahay.
Maanta, ilaa 6.5 milyan oo qof oo Soomaali ah — ku dhowaad saddex meelood meel shacabka — ayaa wajahaya gaajo daran, sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka.
Hay’adda CARE International ayaa sheegtay in qiimaha hal kartoon oo cunto laws ah uu kor ugu kacay $200, halka uu hore u ahaa $55, taasoo si weyn u yareysay tirada carruurta la caawin karo.
Dib u dhacyada gaadiidka ayaa sidoo kale sii kordhay, iyadoo maraakiibta ka imanaya Yurub ay hadda qaataan ilaa 65 maalmood si ay u gaaraan Soomaaliya, marka la barbar dhigo 30 ilaa 35 maalmood sanadkii 2024.
Dhanka kale, in ka badan 2 milyan oo qof ayaa galay heerka “Emergency” ee gaajada, oo hal tallaabo u jira macaluul, sida ay sheegtay nidaamka Integrated Food Security Phase Classification.
Hay’adda Action Against Hunger (ACF) ayaa sheegtay in tirada carruurta la dhigay xarumaha caafimaadka ee nafaqo-darrada daran ay kordheen 35% saddexdii bilood ee hore ee sanadkan marka la barbar dhigo sanadkii hore.
Isbitaalka Dayniile ee Muqdisho ayaa sheegay inuu hayo 360 carruur ah oo la ildaran nafaqo-darro, iyadoo sahaydu ay ku filan tahay toddobaad keliya.
Xafiiska United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) ayaa sheegay in in ka badan 200 xarumood oo caafimaad la xiray, halka kooxo guur-guura oo gargaar bixin jiray la kala diray, sababo la xiriira dhimista maalgelinta.
OCHA ayaa codsatay $852 milyan si looga hortago macaluul buuxda, balse ilaa hadda waxaa la helay wax ka yar 14% lacagtaas.
“Dagaalka Iran si weyn ayuu u saameeyay Soomaaliya, maadaama dadka ay weli ka soo kabanayaan saameyntii abaartii hore,” ayuu yiri mas’uul ka tirsan IRC. “Aad bay u adag tahay in dadka ay la qabsadaan culaysyadan isdaba joogga ah.”
GAROWE ONLINE