Cawad oo daboolka ka qaadey sababta Farmaajo uga baaqday Shirka UN-ka

Image

NEW YORK - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa markii ugu horeysay wax laga waydiiyey sababta uu Madaxwayne Farmaajo uga baaqdey sanadkii labaad oo xiriir ah fadhiga loo dhan yahay  ee Qaramada Midoobey.

Sanadkii hore Madaxwaynaha ma uusan xaadirin kulanka guud ee Jamciyadda Qurumaha ka dhaxeysa, xili uu wakiishey Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, kaasi oo khudbado ka jeediyey.

Wasiir Cawad oo Soomaaliya ku metalaya sanadkaan, isaga oo wakiil ka ah Madaxwaynah ayaa sheegay in sababta uu Farmaajo kaga baaqdey Fadhiga ay tahay isaga oo "ka horumarinaya arrimo kale oo muhiim ah".

"Madaxwaynaha waxa uu uga baaqdey Fadhiga guud ee Qaramada Midoobey isaga oo ka horumarinaya arrimo oo dalka ka jira, taasina ayaana keentey," ayuu yiri Wasiirka oo VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga u waramey.

Khudbado uu kaga hadli doono xaaladda guud ee dalka dhinacyadda amniga iyo siyaasadda ayuu ku nuux-nuux sadey wasiir Cawad inuu fadhiga ka jeedin ono maalmaha soo socota.

"Dalalka Wasiiradda soo wakiishey kaliya ma ahan wax inaga nagu kooban, waxaase jira kuwa kale, kuwaasi oo soo dirsadey wasiiro arrimo dibadeedyadooda," ayuu raaciyey Wasiirka, kaasi oo aanan meesha ka saarin inay dhib udhici karto khudbadiisa.

Warar lagu kalsoon yahay oo warsidaha GO ka heley diplomaasiyiin ku sugan dalka Kenya ayaa shegaya in Madaxweyne Farmaajo ay baajisay wasarada arimaha dibada dalka Mareykanka kuwasoo u sheegey in mushkiladaha dalkiisa ka jira iska xaliyo kuwasoo ugu weyn yihiin xalaada amniga iyo khilaafka u dhexeeya maamulada iyo DF Soomaaliya.

Dalka Soomaaliya ayaa siyaasadiisa arimaha gudaha iyo dibada waxaa si dadban ugu leh wadamada gacanta ka siiya maaliyada iyo arimaha amniga gaar ahaan la dagaalanka kooxaha argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM