Cawad oo Dacwad laga gudbiyay iyo Khilaaf soo shaac baxay [Warqad]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xubnaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka, ayaa lagu waday inay maanta oo Arbaco kulan ku yeeshaan xarunta ay ku leeyihiin Muqdisho, kaasi oo ku yimid dib u dhac, iyadoo noqoneysa markii labaad, todobaad gudahiisa.

Gudoonka Gollaha ama Guddiga joogta ah ee Wakiilada Shacabka illaa iyo haatan war rasmi ah kama aysan soo saarin sababta, balse, wararka la helayo ayaa tibaaxaya inay salka ku hayso is-qabqabsi u dhaxeeya Xilldhibaano iyo Gudoonka.

Macluumaadka ayaa intaas ku daraya in is-qabqabsiga uu ka dambeeyay markii Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Hoose, Mahad Cabdalla Cawad uu mudanayaal ka diiday aqbalida warbixin ay soo gudbiyeen Guddiga Maaliyadda.

Warbixinta oo dibada timid ayaa ku eedaysay wasaarada Maaliyada iyo maamulka gobolka Banaadir ku tagri fal maaliyadeed iyo wax is-dabamarin, taasi oo ay dhinacyadda gaashanka ku dhufteen.

Sharci-dejiyaasha laga diiday in la aqbalo warbixinta ayaa dacwad ka dhan ah Cawad waxay u gudbiyeen Afhayeenka Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, iyagoo ka dalbaday inuu wax ka qabto arrintani.

Cawad ayaa lagu dhaliilay inuu "si ula kac ah" u baalmaray xeerhoosaadka Gollaha Shacabka kulankii ay mudanayaashu yeesheen 24-kii bishaan, kaasi oo wasiirka Maaliyadda Cabdiraxman Ducaalle Beyle uu Golluhu hor-yimid.

Arrimahaan oo dhan ayaa kusoo aadaya xili dhawaan dooda kulul ay ka yeesheen Xilldhibaanada warbixinta Guddiga Maaliyadda uu Cawad si cad u difaacay xukuumada Khayre, taasi oo shaki gelisay dhex-dhaxaadnimadiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM