Cawad oo difaacay mowqifka DF Soomaaliya ee xiisada Sacuudiga iyo Canada

Image

MUQDISHO - Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowlada Federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa difaacay go'aanka xukuumadiisa ka qaadatay xiisadda diblumaasiyadeed ee ka dhax-qaraxday dowladaha Sacuudiga iyo Canada, oo ay dowladdu dhinac raacday.

Dowlada Soomaaliya ayaa si aan ka gambasho lahayn ula safatay Sacuudiga, iyada qiil uga dhigtay iney "mabda ahaan oggolaanayn faragelinta arrimaha gudaha dal madax banaan," sida uu qaba Axadiga caalamiga ah ee Qaramadda Midoobay.

Wasiir Axmed Ciise Cawad oo wareysi siiyay Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in go'aanka ay qaadatay xukuumadda talada haysay uu yahay mid ka yimid madaxa ugu sareysay.

"Mowqifka dowladda waa sida ku cad war-saxaafadeedka. Sida aan dowlada Canada ugu taageeri lahayn inaanan la faro-gelin arrimaheeda gudaha, ayaan Sacuudiga ugu taageersan nahay inaanan iyagana la faro-gelin arrimahooda gudaha, waana kaas waxay taageertay DFS," ayuu yiri.

Wasiir Cawad ayaa wuxuu beeniyay in xukuumada Muqdisho lagu cadaadiyay mowqifka ay ka qaadatay xiisaddaan diblumaasiyadeed, isaga oo sheegay inuu yahay mid ay Madaxda Soomaaliyeed u arkaan midka ku haboon inay ka qaataan xiisadaan.

"Ma jirto cid cadaadis nagu saartay go'aanka aan qaadanahay. Waxaa jiray xiisado kale oo cadaadis nagula saari lahaa hadii ay jiri lahayd cadaadis, marka dowlada Soomaaliyeed go'aamada ay qaadaneyso iyada ayaa u madax-banaan," ayuu hadalkiisa kusii daray.

Wasiirka ayaa wuxuu ka gaabsaday inuu ka jawaabo su'aal ku saabsaneed in dowladda aysan habooneen inay dhex-gasho "xaalad aanan iyadda qusayn," isaga oo meesha ka saarey inay saameyn ka dhalan karto mowqifka dowladda qaadatay.

Hadalka Wasiirka ayaa imaanaya saacado kadib markii xukuumadda Muqdisho ay kala kulantay mowqifka ka qaadatay xiisada labada dal dhaleecaymo xoogan oo uga imaanaya Indheer garadka, siyaasiyiinta iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee Canada.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM