Cawad oo safiiro uu Muqdisho kula kulmay u sharaxay go’aankii Guinea

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah waxay kulan degdeg ah isugu yeertay diblumaasiyiinta dalalka caalamka u fadhiya magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda xukuumada federaalka , oo shirka kadib u waramay saxaafadda ayaa wuxuu soo bandhigay saddex qodob oo uu kulanku daarnaa uuna hordhigay safiirada.

Ugu horeyn, waxa uu daaha ka rogay in uu u cadeeyay mowqifka dowladda Soomaaliya ee heshiiska ay gaareen dhinacyadda Suudaan kaasoo ay kusoo afjareen qalalaasihii dalkaasi ka taagnaa.

"Waxaan u caddeynay iyaga iyo caalamka in dowlada Soomaaliya ay soo dhaweyneyso heshiiskaasi ayna bogaadineyso," ayuu Cawad u sheegay warbaahinta kadib kulankaasi.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa tilmaamay in danjireyaasha uu uga warbixiyey socdaalka ra’iisul wasaare Khayre ee degaanada Galmudug, kaasi oo muddo todobaad ah qaatey.

Khayre oo haatan ku sugan Dhuusamareeb isla markaana magaalooyin kale oo Galmudug hoos-yimaada kala tegay ayuu Cawad xusay in uu ka shaqeynayo sidii maamulka Galmudug loo dhameystiri lahaa.

Ugu dambeyntii, mas'uulka ugu sareeya diblumaasiyadda Soomaaliya ayaa shaaciyey in uu safiirada u sharaxay sababta ay Soomaaliya xiriirka ugu jartay dalka Guinea, taasi ah arrin uu caalamka daneynayo.

"Waxaan ku niri [safiiradda] waxaa keenay 'Guinea oo ixtiraam dareysay qaranimadiyadda, midnimayadda iyo wadajirka Ummadayadda khatar gelisay," ayuu wasiirku hadalkiisa u dhigay.

Wasiirka oo sii hadlay ayaa wuxuu intaasi raaciyey "Kaliya ma ahan in ay ku gafeen qaranimadda, waxay caqabad ku tahay falalka noocaasi ah dib u heshiisiinta iyo isu soo celinta dadka Soomaaliyeed".

"Dadka Soomaaliyeed waa in fursad loo siiyaa in ay heshiiyaan. Mar kasta oo farogelin dibadda ah nooga timaado waxay caqabad ku noqoneysaa is-fahamkeena," ayuu Mr Cawad hadalkiisu daba dhigay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM