Cawad oo safiiro uu Muqdisho kula kulmay u sharaxay go’aankii Guinea

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah waxay kulan degdeg ah isugu yeertay diblumaasiyiinta dalalka caalamka u fadhiya magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda xukuumada federaalka , oo shirka kadib u waramay saxaafadda ayaa wuxuu soo bandhigay saddex qodob oo uu kulanku daarnaa uuna hordhigay safiirada.

Ugu horeyn, waxa uu daaha ka rogay in uu u cadeeyay mowqifka dowladda Soomaaliya ee heshiiska ay gaareen dhinacyadda Suudaan kaasoo ay kusoo afjareen qalalaasihii dalkaasi ka taagnaa.

"Waxaan u caddeynay iyaga iyo caalamka in dowlada Soomaaliya ay soo dhaweyneyso heshiiskaasi ayna bogaadineyso," ayuu Cawad u sheegay warbaahinta kadib kulankaasi.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa tilmaamay in danjireyaasha uu uga warbixiyey socdaalka ra’iisul wasaare Khayre ee degaanada Galmudug, kaasi oo muddo todobaad ah qaatey.

Khayre oo haatan ku sugan Dhuusamareeb isla markaana magaalooyin kale oo Galmudug hoos-yimaada kala tegay ayuu Cawad xusay in uu ka shaqeynayo sidii maamulka Galmudug loo dhameystiri lahaa.

Ugu dambeyntii, mas'uulka ugu sareeya diblumaasiyadda Soomaaliya ayaa shaaciyey in uu safiirada u sharaxay sababta ay Soomaaliya xiriirka ugu jartay dalka Guinea, taasi ah arrin uu caalamka daneynayo.

"Waxaan ku niri [safiiradda] waxaa keenay 'Guinea oo ixtiraam dareysay qaranimadiyadda, midnimayadda iyo wadajirka Ummadayadda khatar gelisay," ayuu wasiirku hadalkiisa u dhigay.

Wasiirka oo sii hadlay ayaa wuxuu intaasi raaciyey "Kaliya ma ahan in ay ku gafeen qaranimadda, waxay caqabad ku tahay falalka noocaasi ah dib u heshiisiinta iyo isu soo celinta dadka Soomaaliyeed".

"Dadka Soomaaliyeed waa in fursad loo siiyaa in ay heshiiyaan. Mar kasta oo farogelin dibadda ah nooga timaado waxay caqabad ku noqoneysaa is-fahamkeena," ayuu Mr Cawad hadalkiisu daba dhigay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM