CC Shakuur: Farmaajo tanaasulka ayuu daciifnimo u qaatay, waana nacasnimo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo Muqdisho dib ugu soo laabtay maanta oo Isniin ahayd ayaa si adag wuxuu udhaliilay Madaxwayne Farmaajo, kaasi oo haatan wajahaya Mooshin xilka qaadis ah.

Ugu horeyntii, Warsame oo dul-istaagay soojeedinta Mudanayaal in ka badan 92 ayaa ku tartarsiiyay Madaxwaynaha inuu hortago Gollaha, si ay cod ugu qaadaan Sharci-dejiyaasha labada Golle ee Baarlamaanka.

“Madaxwaynaha waa uu eedaysan yahay, waxaana baaqa ugu horeeya ee aan u dirayo ay tahay inay ku kala baxaan sharciga, isaga iyo Xilldhibaanada,” ayuu Gudoomiyaha xisbiga Wadajir ka sheegay Fagaaro lagu dhaweeyay.

Afhayeenka Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayuu ku bogaadiyay talaabada uu ku goostay inuu qabto Mooshinka xilka qaadista, inkasta oo ku xigeenadiisa ay kasoo horjeesteen.

“Hadii aan nahay xisbiga Wadajir waanu taageersan nahay Xilldhibaanada Mooshinka gudbiyay…Gudoomiyaha waxaanu leenahay sharciga ku taagnow, inaga oo aan lacag soo qaadan, ayaa garab-bahaaga taagan,” ayuu raaciyay.

Bishii December 2017, nabad sugida Soomaaliya ayaa weerartay Guriga uu siyaasigaan ka degan yahay Muqdisho, taasi oo dhalisay iska hor-imaad ilaalada iyo xoogaga dowlada dhex-martay, ayna ku dhinteen ciidamo.

Warsame oo soo hadal-qaaday, wuxuu ku eedeeyay Madaxwayne Farmaajo, isaga oo ku eedeeyay dowladiisa inay isku dayso caburinta siyaasiyiinta kasoo horjeeda iyo wariyaasha ka howlgasha magaalada caasimada ah.

“Madaxwayne Farmaajo waa inuu xishoodaa, xabad laysku ridaayo iyo qori laysku qaato, waa ayaan-darro,” ayuu Siyaasiga hadalkiisa dabadhigay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa codkiisa ku xoojiyay olalaha metalaad loogu raadinayo magaalada Muqdisho iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo colaad ka dhex-qarxday.

“Malaha madaxwaynaha wuxuu is-dhahay, Jawaari ayaa utanaasulay, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa horey utanaasulay, wuxuu uqaatay tanaasulka ayaa daciifnimo ah, ninka tanaasul daciifnimo uqaatay waa nacas,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Ugu dambeyntii, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku tilmaamay Madaxwaynaha mid ka tegay Soomaalinimadda, isaga oo tusaale ahaan usoo qaatay dhiibista Qalbi Dhagax, hareer-marida Jabuuti iyo Dhaqaalo ka jirista Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adda Sirdoonka oo sheegtay in sagaal dagaalyahan oo Al-Shabaab ah la dilay

Howlgalkii labaad ayaa ka dhacay agagaarka Tugaareey, halkaas oo maleeshiyaadku ku dhuumaaleysanayeen kayn.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 03:07PM

Sarkaal Sare oo ka Tirsan Al-Shabaab oo Gacanta lagu Dhigay

Taliyaha Qaybta Koobaad ee AUSSOM, Jackson Kayanja, ayaa ku bogaadiyay ciidamada wadajirka ah guusha ay ka gaareen howlgalkan.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 12:11PM