CC Shakuur oo laga joojiyay Xaflad iyo eedeymo uu u jeediyay Farmaajo

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Somalia - Hogaamiyaha Xisbiga "Wadajir Party" Cabdiaraxmaan Cabdishakuur ayaa eedeymo u jeediyay Madaxweyne Farmaajo, kadib markii maanta booliska dowladda kahor istaageen inuu xaflad ku qabsado Makka Al-Mukarama hotel.

Kadib is-hortaagga, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Shir Jaraa'id oo uu ku qabtey Wadada Makka Al-Mukarama, ayaa sheegay in amar ka soo baxay xafiiska Farmaajo lagu xiray Hotel-ka, oo maalmahan uu ka socday tababar xisbigiisa soo qaban-qaabiyay.

Siyaasigan oo aad u dhaliila dowladda Federaalka, ayaa ku tilmaamay in booliska loogu talo-galay ilaalinta nabad-gelyada iyo inay dhowraan sharciga uu noqday ciidan dano shaqsi loo adeegsado, ilamarkaana lagu caburiyo mucaaradka.

Xukuumadda Somalia wali kama aysan jawaabin eedeynta CC Shakuur.

Tallaabadan Cabdiraxmaan Cabdishakuur looga hor-istaagey Xafladda uu ku qabsan lahaa Hotel-ka ayaa kusoo beegmaysa xilli maalmo kahor Caasimadda uu Xisbiga UPD ku qabsaday Kulan ballaaran, oo Madaxweynihii hore ee Somalia, Xasan Sheekh eedeymo ugu jeediyay dowladda haatan jirta. [Halkan ka akhri Warka].

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Musharixiintii tartanka la galay Madaxweyne Farmaajo doorashadii 2017 islamarkaana horey dowladda u xirtay ayaa markii uu dhawaan dib ugu soo laabtey Muqdisho billaabey dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed, oo Villa Somalia u aragtay inay halis ku yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Baydhabo kulamo kawada xilli loolan loogu jiro Kursiga Madaxweynaha KG

Dhankooda, odayaasha dhaqanka ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada iyo dadaallada dowladda.

  • Soomaliya

    05-04-2026

  • 02:30PM

Hay’adda Sirdoonka oo sheegtay in sagaal dagaalyahan oo Al-Shabaab ah la dilay

Howlgalkii labaad ayaa ka dhacay agagaarka Tugaareey, halkaas oo maleeshiyaadku ku dhuumaaleysanayeen kayn.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 03:07PM