CC Shakuur oo Muqdisho ku laabtey xilli Farmaajo Mooshin laga keenay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta oo Isniin ah [10-ka December] dib ugu laabtey Muqdisho, siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaana Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Xildhibaano iyo taageeriyaashiisa.

Soo laabashada Cabdiraxman ayaa kusoo beegan tahay xilli Muqdisho ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay Mooshin xilka qaadis ah, oo shalay 92 Xildhibaan ka gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaano ay kamid yihiin Axmed Maclin Fiqi, Faarax C/qaadir iyo Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur ugu hortagey Garoonka, kadibna u galbiyay Hoygii uu ka deganaa Muqdisho, oo 17-kii December 2017 lagu weeraray.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay inuu Muqdisho ku qabanayo dibadbax uu ku xusayo howl-gal lagu qaaday hoygiisa oo dhacay 17 December ee sannadkii hore 2017-kii, kaasoo ay ku dhinteen darawalkiisa iyo 4 ka mid ah Ilaaladiisa.

Siyaasigan ayaa lagu dhaawacay howlgalkan, waxaana Xukuumadda Soomaaliya ay dhigtay Xabsi uu mudo maalmo ah ku jiray, iyadoo markii dambe lasooo daayay waan-waan ay samaayeen mas'uuliyiin iyo siyaasiyiinta beeshiisa ee ku jira dowladda.

Cabdiraxmaan Cabdishkuur, oo horey usoo noqday Wasiir, sidoo kalena kamid ahaa musharaxiintii tartanka la galay Farmaajo doorashadii Febuary 8, 2017 ayaa aad u dhaliila siyaasadda Villa Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM