CC Shakuur oo weerar afka ah ku qaadey Fahad Yaasiin: Wiil sida Godane isku qariya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay dhaqamada Taliyaha NISA, Fahad Yaasiin oo uu ku tilmaamay inuu yahay shaqsi isku qariya Axmed Godane, hogaamiyihii Al-Shabaab ee la dilay.

"Baarlamaankee? kan la leeyahay hal daqiiqo hadal, taleefanka demi, warbaahinta celi, ha waydiin hal su’aal ka badan, aamus ee fariiso, Waxaas oo idil na waxa loo yeelayaa wiil sidii Axmad Godane is qarinaya dartii," ayuu ku yiri qoraalkiisa Facebook.

Hadalka CC Shakuur ayaa yimid kadib markii maanta saxaafadda banaanka looga soo saarey Xarunta Gollaha Shacabka oo uu hortagey markii ugu horeysay Fahad Yaasiin, taliya NISA oo wata ciidan gaar ah oo kahor tagaya in sawir ama muuqaal laga duubo.

Xildhibaanada ayaa su'allo koo-kooban oo lasoo xulay waydiiyay Fahad Yaasiin, waxaana laga dhigay kulankii maanta mid albaabada u xiran oo shacabka lala wadaagin jawaabaha ay bixinayeen Wasiiradda iyo Taliyeyaasha ciidaanka ee ku saabsan amniga dalka.

Fahad Yaasiin oo horey usoo noqday wariye katirsan Al-Jazeera Arabic, islarmarkaana xiriir dhaw la leh dowladda Qatar ayaa lagu tirayaa inuu yahay gacanta midig ee Madaxweyne Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM