China oo dalab u diray hogaamiyeyaasha Soomaalida

Image

BEJING, China - Ergey reer China ah ayaa Talaadadii Wwuxuu ugu baaqay dhinacyada siyaasadeed ee Soomaaliya in ay ku dadaalaan in ay soo afjaraan is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka dib u dhaca ku yimid.

"Xaaladda Soomaaliya waxay mareysaa meel xasaasi ah, ismari waaga siyaasadeed ee ka dhashay doorashooyinka dib loo dhigay ayaa wali socda," ayuu yiri Zhang Jun, wakiilka joogtada ah ee Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay.

Diblumaasiga oo ka hadlay kulanka golaha amniga ayaa wuxuu ku daray: "In lasoo afmeero ismariwaaga siyaasadeed ee hadda jira waxay u adeegaysaa danaha guud ee dhinacyada iyo dadka Soomaaliyeed".

"Waxaan ku dhiiri gelinaynaa dhinacyada Soomaaliya in ay ka hormariyaan danaha dalka, xoojiyaan midnimada iyo iskaashiga, sameyaan tanaasulada lagama maarmaanka ah, dib u dhiska kalsoonida siyaasadeed, si deg deg ah ugu heshiino qabanqaabada doorashooyinka, soo celinta xasiloonida siyaasadeed ee Soomaaliya si loo helo shuruudo wanaagsan oo loogu talagalay kala guurka amniga iyo dib u dhiska qaranka," ayuu tibaaxay.

Golaha ammaanka Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa shalay galab wuxuu ka shiray xaalada Soomaaliya gaar ahaan arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka, bini'aadanimadda iyo walaac ka jira dhanka ammaanka.

Wasiirka arrimaha dibada xukuumadda xilgaarsiinta, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa galabta u sheegay in madaxda Soomaalida ee Muqdisho uga arrinsanaya xalka khilaafka doorashooyinka ay "mabda'ahaan ka heshiiyeen saddexdii qodob ee muranka ka taagnaa".

"War-murtiyeedka wuxuu soo bixi doonaa 27-da May, 2021," ayuu ku daray Maxamuud. Xukuumadda xilgaarsiinta federaalka Soomaaliya waxay u muuqataa mid la wadaagtay heshiiska iyadda oo aan loo gudbin shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM