​Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo ka baxay Moqokori, Hiiraan

Image

MUQDISHU, Somalia- Ciidamo kasocoda dowladda Ethiopia islamarkaana kamid ah howlgalka AMISOM oo ay lasocdaan kuwa dowladda Federalka Somalia, ayaa saaka isaga baxay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ay u faaruqiyeen saldhiga ay halkaasi ku lahaayeen sannadkii ugu dambeeyay, waxaana wararku sheegayaan inay u jihaystay dhanka degmada Maxaas ee isla gobolkaas.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahy ayaa sheegaya in baabuurta gaashaaman ee ciidamadkaasi saaka lagu arkayay iyagoo ka baxaya degmada.

Goob joog ku sugan Moqokori, ayaa kusoo waramay in mallayshiyaad katirsan Al Shabaab saacad kadib la warageen gacan ku haynta degmada.

Xaaladda ayaa dagan, waxaana mallayshiyaadkaasi howlgal ka sameeyay degmada iyagoo hadda si buuxda u maamulaya.

Dadka deegaanka ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladahan is bad-badalaya.

Ciidamada Ethiopia ayaa bishan gudaheeda isaga baxay deegaanka Bud-Bud ee gobolka Galgaduud.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dowladda Somalia iyo hogaanka ciidamada AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM