​Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo ka baxay Moqokori, Hiiraan

Image

MUQDISHU, Somalia- Ciidamo kasocoda dowladda Ethiopia islamarkaana kamid ah howlgalka AMISOM oo ay lasocdaan kuwa dowladda Federalka Somalia, ayaa saaka isaga baxay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ay u faaruqiyeen saldhiga ay halkaasi ku lahaayeen sannadkii ugu dambeeyay, waxaana wararku sheegayaan inay u jihaystay dhanka degmada Maxaas ee isla gobolkaas.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahy ayaa sheegaya in baabuurta gaashaaman ee ciidamadkaasi saaka lagu arkayay iyagoo ka baxaya degmada.

Goob joog ku sugan Moqokori, ayaa kusoo waramay in mallayshiyaad katirsan Al Shabaab saacad kadib la warageen gacan ku haynta degmada.

Xaaladda ayaa dagan, waxaana mallayshiyaadkaasi howlgal ka sameeyay degmada iyagoo hadda si buuxda u maamulaya.

Dadka deegaanka ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladahan is bad-badalaya.

Ciidamada Ethiopia ayaa bishan gudaheeda isaga baxay deegaanka Bud-Bud ee gobolka Galgaduud.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dowladda Somalia iyo hogaanka ciidamada AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM