Ciidamada AMISOM oo billaabay ka bixitaanka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Militariga Uganada ayaa sheegay in 281 Askari oo u dhashay dalkaasi, kana kamid ahaa Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ay kala soo baxeen Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa la shaaciyay Arbacadii, iyadoo ay qeyb ka tahay qorshaha QM ee looga soo saarayo ciidamada AMISOM, kaasi oo dhamaadka bishan lagu qaadayo 1,000 Askari.

Istaraatiijiyada ka bixitaanka AMISOM ee dalka Soomaaliya ayaa noqon doono mid tartiib-tartiib ah, oo marba qeyb la qaadayo Askarta, iyadoo meelaha ay ka baxayaan lagu wareejinayo ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xilligan waxaa Soomaaliya ku sugan [20,000] oo Askari oo u kala dhashay Uganda, Burundi, Kenya, Ethiopia iyo Jabuuti, waxaana ay joogaan wadanka tan iyo 2007, mudo 10 sano ah ayay la dagaalamayeen Kooxda Al Shabaab.

Uganda waa dalkii ugu horeeyay oo ciidamadiisu yimaadaan Soomaaliya sanadkii 2007, waxaana ay gaarayaan Askartiisa qeybta ka ah AMISOM 6,000 oo Askari oo ka howlgalaya gobollada Banaadir iyo Shabeellooyinka.

Ciidamada AMISOM ayaa gacanta ku haya dhul ballaaran Koonfurta iyo bartmaha dalka Soomaaliya, waana awoodda kaliya ee ka difaacaysa dowladda Federaalka weerarada Al Shabaab, kana saartay deegaano badan oo Muqdisho kamid tahay.

Dhaqaalaha Howlgalka AMISOM waxaa bixiya Midowga Yurub, iyadoo sidoo kale ay taageerto QM, waxaana mudooyinkii dambe laga yareeyay ciidamada lacagta mushaar, kadib markii EU ay dhintay miisaaniyadda.

Waxaa kaloo hareeyay taliyaasha AMISOM musuq-maasuq ay ku sameeyeen shidaalka, cuntada iyo gunooyinka ciidamada loogu tala-galay, taasina ay dhaawacday sumcadda howgalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Saaxiibadeeda beesha caalamka ayaa wado hadda qorshooyin ay ku dhisayso ciidamadeeda, si ay mas'uuliyada amniga ugala wareegaan AMISOM.

Mareykanka ayaa kordhiyay Askarta ka joogta Soomaaliya oo tiradoodu gaarsiiyay 500 kuwaasi oo ciidamada dowladda Federaalka iyo AMISOM ka gacan siiya fulinta weerarada gaarka ah iyo dhinac sirdoonka.

Laakiin, in laga adkaado Al Shabaab ma noqon doonto howl sahlan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM