​Ciidamada Ammaanka Baydhabo oo gacanta ku dhigay rag dil gaystay

Image

BAYDHABO, Somalia- Howlgal ballaaran oo ciidamada ammaanka maamulka Koonfur Galbeed ka sameeyeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaa lagusoo qabtay saddex nin oo la sheegay inay ka dambeeyeen dil habeen hore loo gaystay mid kamid ah Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Barlamanka Somalia.

Kooxdan dilka u gaysatay Sheekh Maxamed Dayr xilli uu ku sugnaa Masaajid ku yaalla Baydhabo, ayaa wararku sheegayaan in qabashadooda ay timid howlga adag oo muddo lagu baacsanayay raggaan.

Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay mid kamid ah eedaysanayaasha, kaasoo markii dambe ciidamada u farmuuqay xubnaha kale ee falka kula jiray. 

Saraakiishu, waxay sheegay in raggaan oo lala xiriirinayo kooxda Al Shabaab caddaaladda la horgayn doono.

Inkastoo aan la sheegay waqtiga xubnaha Maxkamad lasoo taagi doono, hadana maamulka Koonfur Galbeed ayaa wacad ku maray inay u istaagi doonaa adkayn ammaanka iyo soo qabashada shakhsiyaadka dilalka ka fuliya Baydhabo.

Kooxda Al Shabaab ayaa tan iyo doorashadii Barlamanka Cusub, waxay wadeen qur-gooyooyin ka dhan ah dadkii soo doortay Xildhibaanada, waxaana dilal kala duwan ka dhaceen magaalooyinka Somalia qaar kamid ah, kuwaasoo intooda badan aan lasoo qaban dadkii ka dambeeyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM