Ciidamada Cabdirashid Janan oo qabsadey Beledxaawo
BELEDXAAWO, Soomaaliya - Ciidamo taabacsan Wasiirka amniga Dowlada Jubaland Cabdirashid Janan ayaa saqdii dhexe ee xalay dagaal ay ku qabsadeen Beledxaawo kadib markii dagaal culus oo ay la galeen ciidamo Dowlada Federaalka bilihii ugu dambeeyey ku soo daadgureysay degmadaas ku taal xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.
Waraidaha Garowe Online oo la hadlay sarakiil ka tirsan Jubaland ayaa waxay u xaqiijiyeen in gabi ahaan gacanta magaaldaas ugu jirto ciidamadii la socdey Wasiirka amniga ee maamulkaas kuwaas muddo ku sugnaa dhul u dhexeeya xuduudka Soomaaliya ay la wadaagto dalka Kenya.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Magaalada Beledxaawo ka joogey Dowlada Federaalka ay u baxeen dhanka wadada aada Doolow.
Dhinaca kale dagaalkaan ayaa sababey dhimasho iyo dhaawac aan la xaqiijin tirada, iyadoo Wararka aan heleyno sheegayaan in iska-hor-imaad culus uu ka dhacey saldhiga booliiska degmadaas iyadoo halkaas uu ku dhintey taliye ku xigeen saldhig kaas oo ciidamadii Federaalka ah ay u magacaabeen markii ay la wareegeen magaaladaas.
Dowlada Federaalka Wasaraadeeda Warfaafinta ayaa cambaareysay weerarkaan iyadoo qoraal ay soo saareen ku sheegey in jabhad ay soo hubeysay Dowlada Kenya soo weerartey Beledxaawo kuwaas oo ciidanka Federaalka ku sugan degankaas iska caabiyeen.
"Dowlada Federaalka Soomaaliya waxay cadeyneysaa in Jabhadii fallaagada aheyd ee ay soo hubeysay Dowlada Kenya caawa u soo talowdey xuduudka Soomaaliya ayaa soo weerartey gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Beledxaawo. Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa si geesinmo leh ugu jilib dhigey duulaankaas sharci-darada ah ee shisheeyuhu soo abaabuley." ayaa lagu yiri qoraalkaan.
"Waxaan si adag u cambaareyneynaa duulaankaas gardarada ah ee laga soo abaabuley gudaha dalka Kenya kaas oo khilaafsan maslaxada Nabad kuwada noolaanshaha shucuubta gobolka iyo xeerarka caalamiga ah ee ku dhisan is xaq-dhowrka iyo ilaalinta madaxbanaanida qaranimo." ayaa lagu sii yiri qoraalkaas.
Qabsashada magaalada Beledxaawo ayaa ku soo beegmeysa xilli cakiraan siyaasadeed oo khilaafka gobolka Gedo sabab u yahay hortaagan tahay in Soomaaliya laga qabto doorasho waqtigeeda ku dhacda oo wada ogol ah.
Madaxda meesha caalamka ka joogta dalka Soomaaliya ayaa sidoo kale maalmihii ugu dambeeyey wadey dadaalo la rabo in isugu keeno maamulada iyo Dowlada Federaalka.
GAROWE ONLINE