​Ciidamada dawladda oo Howlgal ka sameeyay Degmada Jalalaqsi

Image

JALALAQSI, Somalia - Ciidamada dawladda Federaalka Somalia iyo kuwa Jabuuti, ee qeybta ka ah AMISOM, ayaa Howlgal amni ka sameeyay saaka Xaafadaha degmada Jalalaqsi, ee gobolka Hiiraan.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in howlgalka uu yahay mid amniga lagu xaqiijinayo, islamarkaana looga hortagayo weerarada Al shabaab ay qorsheynayso inay bisha Ramadan ka fuliso Degmadaasi.

Ciidamada ayaa sidoo kale ku baahiyay howlgalkooda deegaanno kuu dhaw Jalalaqsi, ooo shalay Al-shabaab madafiic uga soo tuureen degmada, waxaana ay kusoo qabteen Tiro dad ah oo laga shakiyay.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Howlgallada Ciidanka ay saameyn ku yeesheen Isku-socodka Gaadiidka iyo Dadweynaha mudo saacado ah, inkastoo markii dambe si caadi ah kusoo laabteen.

Weerarka Madaafiicda ay shalay Al Shabaab ku qaadey Jalalaqsi ayaa keenay inay Ciidamada qaadaan Howlgalkan, waxayna Saraakiishu sheegeen inay sii wadi doonaan Howlgallada lagu sugayo amaanka.

Degmada Jalalaqsi waxay kamid tahay degmooyinka ay Al shabaab go'doomisay 2014, markii laga soo saarey, si ay cunaqabateyn u saarto Ciidamada Dawladda iyo kuwa Jabuuti, kadibna uga soo baxaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM