Ciidamada DF iyo kuwa AMISOM oo kaabiga ku haya Baardheere

Image

July 18, 2015 (GO)- Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa kaabiga ku haya degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaas oo shantii sano ee ugu dambeeyey Al-shabaab ka arrimineysey.

Ciidamada huwanta ayaa ku sugan meel dhowr iyo toban kiilo mitiri u jirta degmada, waxayna ku jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyey sida uu idaacadda VOA u sheegay Dhamme Cumar Sheekh Ismaaciil oo kamid ah saraakiisha hoggaamineysa ciidamada dowladda.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa wadda dhaq-dhaqaaq ciidan oo xooggan, waxayna difaacyo badan ka sameysteen dhowr goobood oo ku yaalla duleedka Baardheere.

Qaar kamid ah saraakiisha Al-shabaab oo dadweynaha kula hadlay goob fagaare ah ayaa ka dalbaday inay ka qayb qaataan sidii magaalada looga difaaci lahaa ciidamada soo duuley.

Baardheere oo ah degmo dhaqaalaheedu ku tiirsan yahay wax-soo-saarka beeraha, waxay shantii sano ee lasoo dhaafay ahayd saldhigga ugu weyn ee Al-shabaab.

Dadka arrimaha ciidanka aqoonta u leh ayaa sheegaya in haddii ciidamada huwantu la wareegaan Baardheere ay taasi dhabar-jab xooggan ku noqon doonto Al-shabaab.

Laga soo bilaabo sanadkii 2012, waxaa Al-shabaab laga saaray magaalooyin waweyn oo fariisin u ahaa, kuwaasoo ay kamid yihiin magaalada Kismaayo ee gobolka Jubabada Hoose iyo magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM