Ciidamada DF iyo kuwa AMISOM oo kaabiga ku haya Baardheere

Image

July 18, 2015 (GO)- Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa kaabiga ku haya degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaas oo shantii sano ee ugu dambeeyey Al-shabaab ka arrimineysey.

Ciidamada huwanta ayaa ku sugan meel dhowr iyo toban kiilo mitiri u jirta degmada, waxayna ku jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyey sida uu idaacadda VOA u sheegay Dhamme Cumar Sheekh Ismaaciil oo kamid ah saraakiisha hoggaamineysa ciidamada dowladda.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa wadda dhaq-dhaqaaq ciidan oo xooggan, waxayna difaacyo badan ka sameysteen dhowr goobood oo ku yaalla duleedka Baardheere.

Qaar kamid ah saraakiisha Al-shabaab oo dadweynaha kula hadlay goob fagaare ah ayaa ka dalbaday inay ka qayb qaataan sidii magaalada looga difaaci lahaa ciidamada soo duuley.

Baardheere oo ah degmo dhaqaalaheedu ku tiirsan yahay wax-soo-saarka beeraha, waxay shantii sano ee lasoo dhaafay ahayd saldhigga ugu weyn ee Al-shabaab.

Dadka arrimaha ciidanka aqoonta u leh ayaa sheegaya in haddii ciidamada huwantu la wareegaan Baardheere ay taasi dhabar-jab xooggan ku noqon doonto Al-shabaab.

Laga soo bilaabo sanadkii 2012, waxaa Al-shabaab laga saaray magaalooyin waweyn oo fariisin u ahaa, kuwaasoo ay kamid yihiin magaalada Kismaayo ee gobolka Jubabada Hoose iyo magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dadaallo Lagu Raadinayo xalka Khilaafka Doorashooyinka oo ka billowday Muqdisho

Labada dhinac ayaa isku afgaray in berri dib loo isugu soo laabto si loo sii wado wadahadallada loona xalliyo qodobbada harsan.

  • Soomaliya

    19-02-2026

  • 02:10PM

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM