Ciidamada DF oo dib ula wareegay magaalo muhiim ah

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed oo garab ka helaya AMISOM ayaa dib ula wareegay gacan ku heynta degaanka Goofgaduud, oo ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay.

Saraakiisha gobolka ayaa sheegay in dagaal la'aan kula wareegeen Tuuladda, kadib markii xoogaga Al Shabaab halkaasi isaga baxeen, iyagoo aan muujin wax iska-caabin ah, maadaama ay saaka soo galeen, oo haddana dib ula baxeen.

Goofguduud Buureey waxay qiyaastii 30-KM waqooyiga uga beegan tahay magaalada Baydhabo, iyadoo dhancda dhinaca wadada aada degmada Waajid, ee isla gobolka Baay, oo intiisa badan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay maamulaan.

Kooxda Al Shabaab ayaa kadib markii laga saarey degmooyinka gobollada Baay iyo Bakool afar sano kahor ayaa maamusha degaanno muhiim ah, oo ka go'doomisay goobaha ay ciidamada dowladda gacanta ku hayaan.

Baydhabo oo xarunta KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa degaanada ku dhaw dhowr jeer soo weeraray islamarkaana la wareegay dagaalyahanada Al Shabaab, kuwaasoo isku dayaya inay muujiyaan cududooda miliatary.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM