Al Shabaab oo laga saaray deegaanno ku yaalla Gedo

Image

GARBAHAREY, Soomaaliya - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa Kooxda Al Shabaab kala wareegay saaka deegaano ku yaalla gobolka Gedo oo hoos taga maamulka Jubbaland.

Korneel Axmed Ibraahim, oo kamid ah Saraakiisha ciidamada Militariga Gedo ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in Shabaab ay ka saareen dhowr deegaan oo ku yaalla inta u dhaxaysa degmooyinka Baardheere iyo Garbahaarey.

Axmed ayaa intaasi ku daray in ujeedka Howlgalkooda uu ahaa inay isku fureen wadooyinka ciidamada sahayda u marto ee gobolka Gedo, oo ay ka dhacayeen mudooyinkii damne weeraro Al Shabaab ku qaadaysay goobaha ay dowladda maamusho ee ku dhaw xuduuda Kenya.

"Ma jirin wax iska caabin ah oo ciidamada la kulmeen intii uu socday howlgalkooda, maadaama Al Shabaab isaga baxday deegaanada lala wareegay markii ay maqleen inuu duulaan kusoo wajahan yahay," ayuu yiri Korneel Axmed.

La wareegista deegaanada waxay kusoo beegmayaa xilli ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay kordhiyeen weerarada ka dhanka ah Al Shabaab, iyadoo dhawaan la filaya in dowladda ay qaado howlgal military.

Ciidamada huwanta ayaa rajo ka qabo inay Al Shabaab ka saaraan guud ahaan dalka, kahor inta aysan AMISOM ka bixin Soomaaliya, kaasi oo billaabanaya dhamaadka bishan oo 1,000 la qaadayo.

Inkastoo laga saaray deegaanno iyo degmooyin badan, Al Shabaab wali waxay awoodaa inay fuliso weeraro kuwaasi oo u badan qaraxyo ay ka gaysato magaalada Muqdisho, oo ah xarunta dowladda Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM