Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo la wareegey Tooratoorow

Image

June 2, 2015 (GO)- Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa goor hore oo saaka ah la wareegey deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo horay kooxda Al-shabaab gacanta ugu haysey.

Ciidamada is-garabsanaya ayaa si nabad ah halkaas ku gaarey, kadib markii Al-shabaab saqdii dhexe ee xalay deegaankaas banneysey.

Degmada Sablaale ayaa noqoneysa tan kaliya ee ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ee xilligan ku jirta gacanta Al-shabaab, balse saraakiisha hoggaaminaya ciidamada dowladda ayaa sheegay inay dhowaan halkaas u ruuqaansan doonaan.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Al-shabab soo weerartey islamarkaana muddo kooban la wareegtey deegaannada Aw-dheegle iyo Mubaarak oo ka tirsan isla gobolka Shabeellada Hosoe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM