​Ciidamada Dowladda oo dagaal kula wareegay Deegaan cusub

Image

QORYOLEY, Somalia - Ciidamada dowladda Federaalka Somalia ee ka howlgala gobolka Shabeellaha hoose ayaa dagaal kula wareegay  deegaanno horleh oo ku yaalla nawaaxiga degmada Qoryooley.

Taliyaha Ciidanka Booliska Saldhiga degmada Qoryooley, Cali Maxamed Aadan (Cali Waal), ayaa xaqiijiyay in Al shabaab laga saarey Tuulooyinka kala ah, Xero labaad, Bandar, Farxaano, Dharsheenley.

Cali Waal ayaa intaasi ku daray in Howlgalka lagula wareegay Tuulooyinkan ay ku dileen 4 dagaalyahan oo kamid ahaa Al shabaab, labo kalena ay nolosha kusoo qabteen.

"Shalay waxaan qabsaney 3 Tuulo, maantana labo kale, waxaana Ciidamada ay dileen 4 Al shabaab ah, 2 kalena nolosha ayaa lagu soo qabtey iyaga iyo hubkooda, iyo saanad ciidan oo raashiin uu kamid yahay," ayuu yiri Cali Waal.

Tuulooyinkan waxay 6KM u jiraan degmada Qoryooley, oo Ciidamada dowladda iyo AMISOM la wareegeen sanadkii 2014-kii, xilligii uu socday Howlgalkii loogu magac-darey Badweynta Hindiya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM