​Ciidamada Dowladda oo Dhaqdhaqaaq ka wada gobolka Shabellaha Hoose

Image

MUQDISHU, Somalia - Ciidamada Militariga Dowladda Somalia ayaa Dhaqdhaqaaq ka billaabey gobolka Shabeellaha hoose, iyagoo doonaya inay duulaan ku qaadaan Deegaanada ay maamusho Al Shabaab.

Ibraahim Aadan Cali Najax oo ah Guddoomiyaha Gobolkaas, ayaa sheegay in ay socdaan diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee Howlgalka Al-Shabaab looga saarayo guud ahaan Goobaha ay gacanta ku hayaan.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in Wajiga kowaad ee Howlgalka Al-Shabaab looga sifeyn doono Tuulooyinka ku yaalla inta u dhaxeysa degmooyinka Afgooye iyo Baraawe, kuwaasi oo ay kamid yihiin Awdheegle, Mubarak, Bariire, iyo Janaale.

Waxa uu Guddoomiyaha ka codsaday shacabka  in ay si dhaw ula shaqeeyaan Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, si Al-Shabaab loogu saaro guud ahaan  gobolka.

Dadka ku nool deegaanada Janaale iyo Awdheegle ayaa soo food saartey cabi xooggan oo ay ka qabaan Duulaanka kusoo wajahan, iyo in Al shabaab ay iska caabin muujiso oo lagu dul dagaalamo.

Ra'iisal Wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa bishii May booqasho ku tagey Afgooye iyo Balli-Doogle, iyadoo xiran Tuutaha Militariga, waxaana ay iclaamiyeen dagaal ka dhan ah Kooxda Al shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM