Ciidamada dowladda Soomaaliya oo markale ku dagaalamay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa markale Maanta ku dagaalamay gudaha Muqdisho.

Dagaalka oo ka dhacay meel ku dhaw Isgoyska Tarabuunka ayaa waxa uu dhexmaray Xasilinta iyo Militariga, sida Goobjoogiyaal u sheegeen Warsidaha Garowe Online.

Hal Askari oo Militariga katirsanaa iyo Haweeney shacab ah ayaa ku geeriyootay iska hor-imaadka, iyadoo ku dhawaad 5 kale ay ku dhaawacmeen.

Wararka GO uu ka helayo Saraakiil katiraan Ciidamada ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid markii ciidamada Xasilinta isku dayeen inay hubka ka dhigaan Askar militariga kamid ah oo ku sugan dhismo dowladeed oo ku yaalla nawaaxiga Tarabuunka.

Ciidamada Militariga oo qaab beeleed u abaabulan ayaa diiday inay ka baxaan guriga, waxaayana amuujiyeen iska caabin dhalisay dagaal dhiig ku daatey. Saraakiil ayaa markii dambe kala dhex-galaya labada dhinac, oo xaaladda caadi kusoo celiayay.

Militariga ayaa wali ku sugan aagooda, oo ay degan yihiin qoysaska saraakiil iyo askarta dagaalka kala hor yimid Howlgalka xasilinta.

Iska hor-imaadyada noocan ah ee u dhaxeeya ciidamada DFS ayaa kusoo badanayay magaalada oo bilooyin kahor amnigeeda lagu wareejiyay Askarta Xasilinta Caasimadda.

Si kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya wali wax war ah kama soo saarin dagaallada dhexmaraya ciidamadeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM