​Ciidamada dowladda Somalia oo dib ula wareegay Ceel Waaq

Image

CEEL WAAQ, Somalia- Ciidamada dowladda Somalia ayaa Saakay oo Sabti ah dib ula wareegay degmada Ceel-Waaq, ee gobolka Gedo oo shalay gelinkii danbe ay qabsadeen dagaalyahanada kooxda Al shabaab.

Wararka Warsidiha GO ka helayo Gedo, ayaa sheegaya in ciidamada ay si nabad ah kula wareegay gacanta ku haynta Ceel-Waaq, kadib markii maleeshiyada Al shabaab isaga baxday saqdii dhexe ee xalay.

Daafaha iyo gudaha magaalada ayaa waxaa lagu arkay meydadka askar katirsan ciidamada dowladda, kuwaasi oo ku dhintay dagaalkii shalay, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Saddex gaari oo nooca dagaalka ah ayay sheegeen Al shabaab inay ka qaateen saldhiga  ciidamada dowladda, sidoo kalena ay nolosha ku qabsadeen dhowr Askari.

Al Shabaab ayaa Ceel-Waaq ku qabsaday weerar dhiig badan uu ku daatey, oo shalay gelinkii danbe ku qaadeen saldhigyada ciidamada militariga dowladda federaalka ah ee Somalia.

Askar badan, oo uu ku jiro Taliyihii militariga Ceel-Waaq, Col Aadan Koronto iyo ku xigeenkiisa ayaa la xaqiijiyay inay Al shabaab ku dileen gudaha saldhigooda ku yaalla Ceel Waaq.

Afhayeenka ciidamada dowladda ee gobolka Gedo, Col. Warfaa Sheikh Aadan, ayaa VOA u sheegay in dagaalkaasi mallayshiyaadka Al Shabaab kula wareegeen saldhigooda islamarkaana magaalada kusoo galeen qaab xirfadaysan.

Wuxuu sheegay inay kusoo weerareen hubkii iyo gadiidkii ay ku qabsadeen dagaalkii ka dhacay Ceelcadde islamarkanaa soo kaxaysteen baabuur waaweyn oo ay ku qorantahay magaca AMISOM, iyagoo ka yimid jihada ay ciidamadaasi horay uga imaan jireen.

Afhayeenka ayaa intaasi raaciyay inaysan ciidamadan helin wax xuquuq ah ilaa 2011 oo ay shaqada halkaasi ka bilaabeen.

Maleeshiyada Al shabaab ee isaga baxday Ceel Waaq ayaa u ruqaansaday dhanka deegaanka Ceel-adde, oo Bishii January 15, 2016 ay ka qabsadeen ciidamada Kenya, kadib weerar askar badan ku dileen.

Degmada Ceel Waaq oo ku dhaw xadka Kenya, waxaa Al shabaab laga saarey 2011, waxayna ahayd degmadii ugu horeysay oo ciidamada Kenya qabsadeen markii ay soo galeen dalka Somalia, October, 2011.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dadaal Ugu Jira Inuu Joojiyo burburka Wadahadalada Doorashada

Tallaabadan ayaa u muuqata mid si toos ah uga horimaanaysa codsi ka yimid Villa Somalia oo ku aaddan in wadahadalada la sii wado.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 11:21AM