Ciidamada dowladda Somalia oo ka baxay Ceel-Baraf

Image

CEEL BARAF, Somalia- Ciidamada militariga dowladda Somalia ayaa isaga baxay deegaanka Ceel-Baraf ee gobolka Shabeellaha dhexe, iyadoo durba ay la wareegeen malleeshiyada kooxda Al shabaab.

Wararka aan helayno goobtaas ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ka baxeen Ceel-Baraf saakay aroortii, iyagoo u ruqaansaday dhanka degmada Mahadaay, oo ay ku sugan yihiin ciidamo katirsan AMISOM.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Al shabaab ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta Ceel-Baraf, sidoo kalena ay boqolaal qof meel fagaaro ah kula hadleen.

Al shabaab ayaa hore u qabsatay deegaankaasi dhowr jeer, inkastoo markii dambe laga saarey.

Saraakiisha Ciidanka Militariga DFS ee gobolka Shabeellaha dhexe, oo aan la hadalnay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan ka bixitaanka ciidankooda ee deegaanka Ceel-Baraf, oo ku yaalla duleedka degmada Mahadaay.

Tallaabadan ayaa timid xilli dowladda cusub ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay sheegtay in ururka Al Shabaab dalka looga saari doono Muddo labo sano ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Golaha Wasiirada Puntland oo bogaadiyay gulufka ka dhanka ah ISIL

Wuxuu Goluhu xoojiyey garab istaagga Ciidanka oo laga wada qeyb qaadanayo Dowlad iyo Shacabba.

  • Soomaliya

    02-01-2025

  • 02:11PM

Soomaaliya oo "ogolaanaysa" in Itoobiya ay kamid noqoto AUSSOM

Bishii la soo dhaafay, Turkiga ayaa labada dal waxa uu ku heshiisiiyey magaaladda Ankara.

  • Soomaliya

    02-01-2025

  • 12:38PM