Ciidamada dowladda Somalia oo toogtay nin laga shakiyay

Image

MUQDISHU, Somalia- Ciidamada ammaanka dowladda Federaalka Somalia, ee ku sugan magaalada Muqdishu ayaa maanta toogtay nin watay baaburta dadweynuhu isticmaalaan ee loo yaqaano Caasiga (PL), kaasoo meel ku dhow xerada sida weyn loo ilaaliyo ee Xalane.

Toogashada ayaa ka dhacday degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana falkan yimid kadib markii ciidanku ku amreen darawalka dhintay inuu joojiyo baabuurka.

Digniinaha la siiyay ayaa wararku sheegayaan inuusan ka jawaabin, isagoo waqtigaas ku soconayay xawaare sare.

Ciidanka ayaa markii dambe dilay ninkaas, waxaana loo yeeray ciidanka AMISOM oo baaritaan ku sameeyay baabuurka iyo ruuxii watay, kaasoo markii hore loo qabay inuu sido waxyaabaha qarxa.

Baaritaan kadib ayaa la ogaaday inuusan ninkaas iyo baabuurkiisa aysan ku xirnay miino, balse uu ka cararay ciidamada aruuriya Canshuurta.

Ehelka marxuumka dhintay ayaa goobta ka qaaday maydka kuwaasoo ku duugay magaalada Muqdishu.

Majirto wax war ah oo tallaabadan ay kasoo saartay dowladda Somalia iyo maamulka gobolka Banaadir intaba.

Dilalka noocan ah ayaa inta badan ka dhaca magaalada Muqdishu taasoo ay ugu wacantahay falalka amni darro ee ka jira caasumadda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM