Ciidamada Ethiopia oo ka baxey degmada Tayeeglow, Al Shabaab oo la wareegtey

Image

TIYEEGLOW, Somalia -Al Shabaab ayaa saakay dib ula wareegay degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool, kadib markii ay ciidamada Ethiopia faaruqiyeen saldhigyadooda military habeenimadii xalay.

Ciidamada Ethiopia ayaa sidoo kale waxaa u  qorsheysan inay ka baxaan dhowr degmo oo kale sida , Waajid, Ceelbuur iyo Baardheere, oo kuwasoo ku yaala gobolada Bakool, Galgaduud iyo Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in boqolaal Askari oo Soomaali ah, oo ku sugnaa degmada Tiyeeglow markii ciidamada Ethiopia ka guureen saldhig-yadooda, iyaguna ka baxeen degmada.   

Ciidamada Ethiopia ee ka baxay Tiyeeglow ayaa gaarey degmada Xudur, ee xarunta gobolka Bakool.Degmada Tayeegloow ayaa gacanta dowladda ku jirtay mudo ku dhaw Labo sanadood. 

Dadka deegaanka ayaa aad walaac uga muujiyay soo dib ugu soo noqoshada degmada ee  Kooxda Al shabaab kuwasoo inta badan dilal u geysta shacabka markii ay magaalo dib ula wareegaan.

Dhinaca kal saraakiisha ciidamada dowladda iyo tababarayaal ajnabi oo ku sugnaa Tiyeeglow iyo Waajid ayaa lagu soo qaadey Diyaarado Helicopters ah oo dhanka Baydhobo keeney.

Bixitaanka ciidamada Ethiopia ee degmooyinkaan ayaa ku soo beegmeysa xilli dalka Somalia dhowaan galayo doorashooyin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM