Ciidamada ilaalada Villa Somalia oo la geeyay Baydhabo iyo wararkii ugu dambeeyay

Image
Image

BAYDHABO, Somalia - Cutubyo ka tirsan Ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyadda Somalia ayaa lagu waramayaa in loo daabulay magaalada Baydhabo ee caasimada KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Ciidamadaan ayaa horudhac waxay uyihiin wafuud ka socota dowladda dhexe, kuwaasi oo lagu wado inay maalmaha soo socda ay gaaraan halkaasi, si ay uga qaybgalaan caleemo-saarka Madaxwayne Cabdicasiis Laftagareen.

Sida uu xogta ku helay warsidaha Garowe Online, xoogaga oo qayb kamid ah ay gaareen Baydhabo Fiidnimadii Axada ayaa la wareegay gabi ahaanba amaanka Madaxtooyadda, halkaasi oo ay ka qabsoomayso munaasabada.

Laftagareen oo ku guuleysta doorasho muran dhalisay oo ka qabsoontay xarun goboleedka Bay, 19-kii bishii November ee sanadkii 2018, ayaa loo mudeeyay in la caleemo-saarka 16-ka bishaan Janaayo.

Gen Mahad Cabdiraxmaan Aadan, taliyaha Booliska Koonfur Galbeed, oo carabka ku dhuftay inay ka go’an tahay inay sugaan nabad-gelyadda wafuuda imaanayso Baydhabo ayaa ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan hay’addaha amniga.

Safiirka dowladda Mareykanka uqaabilsan Somalia, Donald Yamamoto, ayuu Taliyuhu daboolka ka qaaday inuu kamid yahay mas'uuliyiinta ay filayaan inay kasoo qaybgasho xafladda caleemo-saarka.

"Waxaa naga go’an inaan sugno amniga madaxda halkaan imaanayso oo ay kamid yihiin madaxda Qaranka, safaarada Mareykanka, shacabka meel kasta oo ay joogaan hala shaqeeyaan amniga," ayuu raaciyay.

Laftagareen oo ku guuleystay coddeynta wreegii 1aad ayaa helay 101 cod, isaga oo taageero ka helay Villa Somalia, taasi oo la sheegay inay ku kabtay dhaqaalo xoogan, inkasta oo aysan goobjoob ka ahayn Beesha Caalamka.

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM