Jubaland iyo Kenya oo fashiliyey weerar ay Al-Shabaab maleegtay

Image

KISMAAYO, Jubaland – Ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ee Jubaland iyo dhigooda Kenya ayaa habeenkii Isniintii waxay fashiliyeen weerar ay Al-Shabaab damacsaneyd, sidda ay sheegeen mas'uuliyiin dhanka amniga.

Weerarka laga hortagay oo la sheegay in ay soo abaabushay Al-Shabaab ayaa la doonayey in lagu beegsado saldhig ciidan oo ku yaala degaanka Taabta, halkaasoo fariisin ay ku leeyihiin milatariga Kenya ee ka tirsan AMISOM.

Sidda laga soo xigtay dadka degaanka, dableyda Al-Shabaab ayaa la kulmay iska caabin markii ay isku dayeen in ay gudaha ugu taagaan, waxaana halkaas ka dhashay iska hor-imaad qaadatay saacado lagu qiyaasay saddex.

Ma cadda khasaaraha guud ee labada dhinac kasoo gaarey isku-dhaca. Maadaama ay habeen ahayd, si dhab ah looma ogaan karo waxyeeladda.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdadan oo kasoo baxay dhanka ciidamadda huwanta ah iyo maleyshiyada xiriirka la leh ururka Al-Qaacida.

Al-Shabaab ayaa aalaaba waxay beegsataa fariisimaha ciidamadda Soomaaliya iyo kuwa saaxiibada caalamka. Maadaama doorashooyinka aadayo dalka, dagaalameyaasha waxay laba-jibaareen howlgaladooda.

Si lamid ah, ciidamadda AMISOM ayaa qorshuhu yahay in dhamaadka xagaagan ay isaga hayaamaan guud ahaan waddanka si ay u fuliyaan qorshaha kala guurka ee amniga waddanka loogu wareejinayo askarta Soomaalida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM